عَنْ أَبِي الدَّرْدَاءِ رضي الله عنه أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«مَا شَيْءٌ أَثْقَلُ فِي مِيزَانِ الْمُؤْمِنِ يَوْمَ القِيَامَةِ مِنْ خُلُقٍ حَسَنٍ، وَإِنَّ اللَّهَ لَيُبْغِضُ الفَاحِشَ البَذِيءَ».

[صحيح] - [رواه أبو داود والترمذي] - [سنن الترمذي: 2002]
المزيــد ...

Abii Dardaa-Allaha ka raalli ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey inuu yiri:
"Majiro wax ka culus miisaanka qofka mu'uminka ah maalinta qiyaamaha Akhlaaqda fiican, Illaahayna wuu u caroodaa qofka afka xun ee ma xishoodaha ah.

[Xadiis Saxiix ah] - [Abuu daawuud iyo tirmidi ayaa wariyey] - [Sunan At-tirmidi - 2002]

Sharraxaad

Suubanuhu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in camalka ugu culus miisaanka mu'uminka maalinta qiyaamaha uu yahay akhlaaqda wanaagsan, waana waji furnaanta, dhibka oo dadka laga daayo iyo wax fiican oo la bixiyo. Illaahay wuu u caroodaa waxa xun ee gafka ah, hadal iyo ficilba, ee qofka xun kaga dhawaaqo carabkiisa.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Akhlaaq wanaagu fadli aad u wayn buu leeyahay, waayo wuxuu dhaxalsiiyaa qofka jacaylka Ilaahay, iyo jaceylka addoomadiisa, waana waxa ugu wayn ee miisaanka Aakhiro ugu culayska badan.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (54)