عن أبي ذر رضي الله عنه قال: قال لي النبي صلى الله عليه وسلم:
«لَا تَحْقِرَنَّ مِنَ الْمَعْرُوفِ شَيْئًا، وَلَوْ أَنْ تَلْقَى أَخَاكَ بِوَجْهٍ طَلْقٍ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2626]
المزيــد ...

Abii Dar Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa igu yiri:
" Shay ka mida wanaag ha yarysan, haba ahaato inaad kula kulanto Walaalkaa Waji furan."

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2626]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku booriyey in wanaaga la suubiyo oo aan la yaraysan wanaaga haba yaraadee, waxaana ka mida waji fornaanta iyo dhoolo cadaynta marka la kulmo, waxaa haboon in Qofka Muslinku ku dadaalo taas, waayo waxaa ku jira soo dhawayn Qofka Muslimka ah iyo in la farax geliyo.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Fadliga ku jira isjacaylka Muuminiinta, iyo isku dhoola cadaynta iyo Waji fornaanta markay kulmaan.
  2. Shareecadaani waa kaamil, wax walbana waa koobaysaa, waxaa ku jira wax kasta oo Muslimiinta wanaagooda iyo midnimadoodu ku jirto.
  3. Waxaa la isku boorinayaa wanaaga falitaankiisa haba yaraadee.
  4. Waxaa Suno ah in Muslimiinta la farax geliyo, waayo waxaa ku jira inay is jeclaadaan.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (67)