+ -

عن أبي مسعود الأنصاري رضي الله عنه قال:
جَاءَ رَجُلٌ إِلَى النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ: إِنِّي أُبْدِعَ بِي فَاحْمِلْنِي، فَقَالَ: «مَا عِنْدِي»، فَقَالَ رَجُلٌ: يَا رَسُولَ اللهِ، أَنَا أَدُلُّهُ عَلَى مَنْ يَحْمِلُهُ، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «مَنْ دَلَّ عَلَى خَيْرٍ فَلَهُ مِثْلُ أَجْرِ فَاعِلِهِ».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Abii Mascuud Alansaarii Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri:
Nabiga scw nin ayaa u yimid wuxuuna yiri: waan gaadiid beelaye gaadiid i saar, wuxuu ku yiri Nabigu scw: "kuuma heli karo", nin kalaa yiri: Rasuulkii Alloow, anaa u tusaya qof saara, Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri-: "qofka khayrka dadka tusa wuxuu leeyahay ajar la mida kan khayrka sameeyey ajarkiisa".

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nin ayaa u yimid Nabiga scw wuxuuna ku yiri: gaadiidkaygii ayaa iga dhintaye, i fuuli gaadiid, oo i sii wax aan fuulo oo i gaarsiiya, wuuna ka cudur daartey Nabigu scw inaanu hayn shay uu fuuliyo, nin kale oo joogay ayaa yiri: Rasuulka Alloow, anaa tusaya qof fuuliya, maraasa Rasuulku scw u sheegay inuu ajarka la wadaagayo kan wax sadaqaystay waayo wuxuu tusay qof u baahan.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la isku boorrinayaa in kheyrka la is ku tilmaamo.
  2. In la isku booriyo khayrku waa asbaabta keenaysa bulshada muslimka ahi inay is kaashato oo ay is caawiso.
  3. Waasicnimada fadliga Ilaahay sareeye.
  4. Xadiiskani waa qaacido guud oo ay soo galayso acmaasha khayrka ah oo dhan.
  5. Qofku haduuna dabooli karin baahida kan baryaya, waa inuu u tilmaamaa qof kale oo qayrki ah.