عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«لَيْسَ الشَّدِيدُ بِالصُّرَعَةِ، إِنَّمَا الشَّدِيدُ الَّذِي يَمْلِكُ نَفْسَهُ عِنْدَ الْغَضَبِ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 6114]
المزيــد ...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Ma aha kan xooga lihi kan dadka legda, ee kan xooga lihi waa kan naftiisa hanta markuu caroodo.
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 6114]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in xooga dhabta ahi uusan ahayn kan jirka, ama qofka dadka xooga leh legda, , balse kan xooga badani waa midka Naftiisa ka adkaada ee qasba markuu aad u caroodo, waayo taasi waxay tusaysaa inuu awood u leeyahay inuu naftiisa hanan karo oo uu ka guulaysan karo shaydaanka.