+ -

عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«إِنَّ الْمُقْسِطِينَ عِنْدَ اللهِ عَلَى مَنَابِرَ مِنْ نُورٍ، عَنْ يَمِينِ الرَّحْمَنِ عَزَّ وَجَلَّ، وَكِلْتَا يَدَيْهِ يَمِينٌ، الَّذِينَ يَعْدِلُونَ فِي حُكْمِهِمْ وَأَهْلِيهِمْ وَمَا وَلُوا».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 1827]
المزيــد ...

Cabdulaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Dadka cadaalada ku dhaqma Ilaahay agtiisa ayey ku fadhiyaan Minbaro Nuur ah, kaasoo ah Midigta Ilaahay Casa Wajala, iyadoo labadiisa Gacmoodba ay Midig yihiin, dadkaasu waa kuwa cadaalada ku suubiya Xugunkooda, Reerkooda iyo cidii ay masuulka ka yihiinba.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 1827]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay kuwa dadka ay Maamulaan iyo Eheladoodaba cadaalad iyo xaqa ku xukuma, waxay ku fariisanayaan Kuraas dhaa-dheer oo Nuur ka samaysan, oo iyaga lagu maamuusayo Maalinta Qiyaamaha. Minbaradaas waxay yaalaan Allaha Raxmaanka ah Midigtiisa, Isagoo labadiisa Gacmoodba-Isagaa nusqaan ka hufane- ay Midig yihiin.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga ayey leedahay cadaalada iyo isku boorinteeda.
  2. Cadaaladu waa wax guud oo koobaysa dhamaan masuuliyada iyo dadka oo la kala xukumo iyo in cadaalad loo sameeyo Xaasaska Caruurta iyo qayrkoodba.
  3. Cadaynta maqaamka ay leeyihiin dadka Caadiliinta ah Maalinta Qiyaamaha.
  4. Maalinta Qiyaamaha dadka Ahlu iimaanka ah mansiladoodu waa kala tagsan tahay Qof walbana sida camalkiisu ahaa ayuu noqon.
  5. Qaabka wax jeclaysiintu wuxu ka mid yahay qaababka diinta dadka loogu yeero taasoo Qofka loo yeeraayo jeclaysiinaysa cibaadada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda foolaaniga Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan اليونانية Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.