+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه
عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فِيمَا يَحْكِي عَنْ رَبِّهِ عَزَّ وَجَلَّ، قَالَ: «أَذْنَبَ عَبْدٌ ذَنْبًا، فَقَالَ: اللَّهُمَّ اغْفِرْ لِي ذَنْبِي، فَقَالَ تَبَارَكَ وَتَعَالَى: أَذْنَبَ عَبْدِي ذَنْبًا، فَعَلِمَ أَنَّ لَهُ رَبًّا يَغْفِرُ الذَّنْبَ، وَيَأْخُذُ بِالذَّنْبِ، ثُمَّ عَادَ فَأَذْنَبَ، فَقَالَ: أَيْ رَبِّ اغْفِرْ لِي ذَنْبِي، فَقَالَ تَبَارَكَ وَتَعَالَى: عَبْدِي أَذْنَبَ ذَنْبًا، فَعَلِمَ أَنَّ لَهُ رَبًّا يَغْفِرُ الذَّنْبَ، وَيَأْخُذُ بِالذَّنْبِ، ثُمَّ عَادَ فَأَذْنَبَ، فَقَالَ: أَيْ رَبِّ اغْفِرْ لِي ذَنْبِي، فَقَالَ تَبَارَكَ وَتَعَالَى: أَذْنَبَ عَبْدِي ذَنْبًا، فَعَلِمَ أَنَّ لَهُ رَبًّا يَغْفِرُ الذَّنْبَ، وَيَأْخُذُ بِالذَّنْبِ، اعْمَلْ مَا شِئْتَ فَقَدْ غَفَرْتُ لَكَ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 2758]
المزيــد ...

Abii Hurayra Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey
Nabiga scw inuu ka wariyey Nabiguna Rabigii ka soo wariyey, inuu yiri: " "Adoon baa dambaabay dambi, wuxuu yiri: Allahayow ii dambi dhaaf, Ilaahay sareeye wuxuu yiri : Adoonkaygaa dambaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, kuna ciqaaba, hadana wuu ku noqdoo wuu dambaabay, wuxuuna yiri : Rabiyow, ii dambi dhaaf, Ilaahay ayaa yiri: adoonkaygaa dambaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, kuna ciqaaba dabmiga, hadana wuu ku noqdoo wuu dambaabay, wuxuuna yiri: Rabiyow ii dambi dhaaf, Ilaahay ayaa yiri: wuu dambaabay adoonkaygu wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, kuna ciqaaba dambiga, fal waxaad doonto, waan kuu dambi dhaafaye".

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 2758]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu rabigii ka wariyey inuu adoonku markuu dambi falo ee uu dhoho: Allahayow ii dambi dhaaf, inuu Ilaahay dhahayo: adoonkaygaa dambi falay, oo ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, kaasoo astura oo u dhaafa dambiga, ama ku ciqaaba, waan kuu dambi dhaafay. Hadana wuu ku noqday adoonku oo wuu dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyow ii dami dhaaf, Ilaahay ayaa dhahay: adoonkaygaa dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u dambi dhaafay adoonkayga. Hadana wuu ku noqday adoonkaygu oo dambaabay, wuxuuna dhahay: Rabiyow ii dami dhaaf, Ilaahay ayaa wuxu dhahay: adoonkaygaa dambi ku dhacay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, oo astura una dhaafa adoonkiisa, ama ku ciqaaba, waan u dambi dhaafay adoonkayga, ha sameeyo wuxuu doono kol haduu markuu dambi falaba ka istaagayo, kana murugoonayo, go`aansanayo in aanu ku laaban doonin, laakiin naftiisu ka adkaanayso, dambigiina ku dhacayo, intuu sidaa yahay oo dambaabayo kana tawbo keenayo waan u dambi dhaafi, tawbadaa baabi'isa wixii ka horeeyey.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga Adrabijaan Luqadda usbiika Luqadda yukreyn
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Naxariista Ilaahay siiyey adoomadiisa waa waasac, dadkuna si kasta oo ay u dambaabaan hadii ay ka towba keenaan ee ay Ilaahay u soo noqdaan wuu ka towbo aqbalaa.
  2. Muuminka Ilaahay rumeeyey wuxuu rajo ka qabaa cafinta rabigiis, ciqaabtiisana wuu ka cabsadaa, towbada ayuu u degdegaa oo macsida kuma sii jiro.
  3. Shuruuda towbada saxda ahi waa: dambiga oo la joojiyo, lagana qoomameeyo, oo la go`aansado inaan lagu laaban dambiga, hadayse tahay towbadu dulmi laga galay adoomada, sida maalka, cirdiga-sharafka qofka, iyo naftaba, shardi kale oo afraad baa ku biiraya, kaasoo ah ka xalaashiga qofkii xaqa iska lahaa, ama in la siiyo xaqiisa.
  4. Muhimad ayey leedahay aqoonta Ilaahay taasoo ka dhigaysa adoonka mid aqoon u leh diintiisa oo marwalba oo uu dambaabo u towba keena Ilaahay, oo aanu quusan kuna sii jirin dambiga.