+ -

عن ابن عباس رضي الله عنهما قال:
كُنْتُ خَلْفَ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَوْمًا، فَقَالَ: «يَا غُلَامُ، إِنِّي أُعَلِّمُكَ كَلِمَاتٍ، احْفَظِ اللهَ يَحْفَظْكَ، احْفَظِ اللهَ تَجِدْهُ تُجَاهَكَ، إِذَا سَأَلْتَ فَاسْأَلِ اللهَ، وَإِذَا اسْتَعَنْتَ فَاسْتَعِنْ بِاللهِ، وَاعْلَمْ أَنَّ الْأُمَّةَ لَوِ اجْتَمَعَتْ عَلَى أَنْ يَنْفَعُوكَ بِشَيْءٍ، لَمْ يَنْفَعُوكَ إِلَّا بِشَيْءٍ قَدْ كَتَبَهُ اللهُ لَكَ، وَلَوِ اجْتَمَعُوا عَلَى أَنْ يَضُرُّوكَ بِشَيْءٍ، لَمْ يَضُرُّوكَ إِلَّا بِشَيْءٍ قَدْ كَتَبَهُ اللهُ عَلَيْكَ، رُفِعَتِ الْأَقْلَامُ وَجَفَّتِ الصُّحُفُ».

[صحيح] - [رواه الترمذي]
المزيــد ...

Waxaa laga wariyey Ibnu Cabaas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiibe wuxuu yiri:
"Maalin ayaan Rasuulka scw gadaashiisa fuushanaa,wuxuu igu yiri: " " yaroow, waxaan ku barayaa erayo, llaahay xifdi wuu ku xifdine, llaahey xifdi hortaadaad ka heliye, markaad wax waydiisanayso Ilaahay waydiiso, hadii aad cid kaalmaysan Ilaahay kaalmayso, ogowna haday ummadda oo dhan isu tagaan si ay wax kuugu taran, kuma tari karaan wax Ilaahay kuu qoray mooyee, hadii dadka oo dhan isu tagaan si ay kuu dhibaan kuguma dhibi karaan, wax uu Ilaahay kuu qoray mooyee, kor ayaa loo qaaday qalimadii warqadihiina way qalaleen ".

Xadiis Saxiix ah. - Waxaa wariyay At-tirmidi

Sharaxaad

Ibnu Cabbaas Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay in isagoo yar uu Nabiga scw la fuushanaa, markaasa Nabigu scw ku yiri: waxaan ku barayaa arimo iyo waxyaabo Ilaahay kugu anficidoon:
Ilaahay xifdi, oo ku xifdi inaad ilaaliso wuxuu ku faray iyo inaad ka dheeraato wuxuu kaa reebay, waa inuusan kaa helin meelaha macsida iyo danbiga, hadaad sidaa samayso abaal marintaadu waxay noqonaysaa in Ilaahay kaa xifdiyo dhibka aduunka iyo kan aakhiroba, kuguna guuleeyo dhamaan waxaad rabto oo dhan halkaad u dhaqaaqdaba.
Hadii aad rabto inaad shay waydiisato, ha waydiisan cid aan Ilaahay ahayn, waayo isaga kaligi ayaa ajiiba kuwa wax waydiista.
Hadii aad damacdo in lagu kaalmeeyo cidaan Ilaahay ahayn ha kaashan.
Waa inaad yaqiinsataa inaadan helayn nafac hadii ay dadka dhulka jooga isu tagaan si ay wax kuu taraan kuguma tari karan wax Ilaahay kuu qoray mooyee.wax dhiba kuguma dhacayo hadii ay isu tagaan dadka dhulka jooga oo dhan si kuu dhibaan kuguma dhibi karaan wax Ilaahay kuu qaray mooyee.
Arinkaan Ilaahay casa wajala ayaa qoray, wuxuuna ku qadaray sida xikmadiisa iyo cilmigiisu keenayan, wax badalid ahna laguma samaynayo wax Ilaahay qoray.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Muhimada ay leedahay in la baro kuwa yar yar iyo caruurta arimaha Diinta sida caqiidada iyo aadaabta Islaamka iyo wax yaabo kale.
  2. Abaal marintu waxay noqotaa nooca camalka.
  3. Waxaa la is farayaa in Ilaahay lagu kalsoonaado, oo kaligi talo saarto oo aan cid kale la talo saaran, isagaa ugu kayr badan mid la talo saarto.
  4. Rumaynta qadaha iyo qadarka laguna raali noqdo, Ilaahayna isagaa qadaray shay walba.
  5. Qofka dayaca Ilaahay amarkiisa, Ilaahay ayaa isagana dayacaya mana xifdinaayo.