+ -

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ مَسْعُودٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ:
حَدَّثَنَا رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَهُوَ الصَّادِقُ المَصْدُوقُ: «أَنَّ خَلْقَ أَحَدِكُمْ يُجْمَعُ فِي بَطْنِ أُمِّهِ أَرْبَعِينَ يَوْمًا وَأَرْبَعِينَ لَيْلَةً، ثُمَّ يَكُونُ عَلَقَةً مِثْلَهُ، ثُمَّ يَكُونُ مُضْغَةً مِثْلَهُ، ثُمَّ يُبْعَثُ إِلَيْهِ المَلَكُ، فَيُؤْذَنُ بِأَرْبَعِ كَلِمَاتٍ، فَيَكْتُبُ: رِزْقَهُ وَأَجَلَهُ وَعَمَلَهُ وَشَقِيٌّ أَمْ سَعِيدٌ، ثُمَّ يَنْفُخُ فِيهِ الرُّوحَ، فَإِنَّ أَحَدَكُمْ لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ الجَنَّةِ حَتَّى لاَ يَكُونُ بَيْنَهَا وَبَيْنَهُ إِلَّا ذِرَاعٌ، فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الكِتَابُ، فَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ فَيَدْخُلُ النَّارَ، وَإِنَّ أَحَدَكُمْ لَيَعْمَلُ بِعَمَلِ أَهْلِ النَّارِ حَتَّى مَا يَكُونُ بَيْنَهَا وَبَيْنَهُ إِلَّا ذِرَاعٌ، فَيَسْبِقُ عَلَيْهِ الكِتَابُ، فَيَعْمَلُ عَمَلَ أَهْلِ الجَنَّةِ فَيَدْخُلُهَا».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey:
Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu noo sheegay isagoo Runlow la rumaysto ah: Abuurida midkiin waxaa lagu jamciyaa uurka hooyadi afartan maalmood iyo afartan habeen, ka dib wuxuu noqon xinjir intaas in le'eg, ka dib wuxuu noqon cad hiliba intaas in le`eg, markaas ayaa loo soo diraa malag, waxaana la faraa afar kalmadood, wuxuu qoraa: risiqiisa, cimrigiisa, camalkiisa iyo inuu yahay mid liibaanay ama hoogay, ka dib naftuu ku afuufin, midkiin wuxuu camal fali camalka Ahlu janaha ilaa marka uu u jiro janada dhudhun wax le'eg ayaa qaddarkii u qornaa soo hormarin wuxuuna camal fali camalka Ahlu naarta markaasuu naarta galin, midkiin ayaa camal fali camalka Ahlu naarka ilaa uu jirsado naarta dhudhun wax le'eg waxaa soo hormarin qaddarkii u qornaa wuxuuna camal fali camalka Ahlu janaha markaasuu janada galayaa.

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Wuxuu yiri Ibnu Mascuud: wuxuu noo sheegay Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate isago runlow ah oo la rumaysto, isagoo Ilaahay rumeystay, wuxuu yiri: midkiin waa la jamciyaa abuuritaankiisa, taasina waa hadii ninku xaaskiisa u galmoodo manidiisu waa baahsan ayaa lagu ururiyaa uurka gabadha muddo afartan maalmooda isagoo candhuuf u eg. Ka dib wuxuu noqon xinjir taaso ah dhiig adag, waana afartanka labaad. Ka dib wuxuu noqon cad hiliba waana cad yar oo la calalin karo, waana afartanka saddexaad, Ka dib Ilaahay wuxuu u soo diraa malag, naftuuna ku afuufa afartanka saddexaad markay dhamaato, Waxaa la faraa malaga inuu qoro afar kalmadood oo ah: Risiqiisa, oo ah inta ay dhan tahay nicmada uu helaayo inta uu nool yahay, Ajashiisa, waana intuu adduunka joogi doono, Camalkiiisa, oo ah mid hoogay ama liibaanay midkuu ahaan doono. ka dib wuxuu Nabigu ku dhaartay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate qofku inuu camalka Ahlu janaha camal falin, kaasoo camal saalixa, sida dadka u muuqata, ilaa markay janada u jiro dhudhun, waxaa loo jeeda markay janada uga dhiman tahay inta qofka dhulka maraya ay uga dhiman tahay wax dhun le`eg waxaa ka qaalib noqda qaddarkii u qornaa wuxuuna camal fali camalka Ahlu naarka oo loogu khatimin naartuuna gali, waayo shardiga lagu aqbalayo camalkiisa waa inuu qofku ku sugnaado camalkiisa saalixa ah oo uusan xumaana ku badalin, mid kale oo dadka ka mida ayaa camal fali camalka Ahlu naarka ilaa uu ku dhawaado inuu galo, waa sida isago naarta u jirsaday wax le'eg dhudhun dhulka ah, waxaa ka kormarin qaddarkii Ilaahay u qoray wuxuuna camal fali camalka Ahlu janaha wuuna galin janada.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda hawsaha Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Meesha ay ku dambeyn ummuuruhu waa sida kolba qaddarka Alle horay u qoray.
  2. Waa laga digay in lagu sirmo muuqaalka camalka, waayo camalka khaatumada uunbaa laga eegaa.