+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«نَارُكُمْ جُزْءٌ مِنْ سَبْعِينَ جُزْءًا مِنْ نَارِ جَهَنَّمَ»، قِيلَ: يَا رَسُولَ اللَّهِ، إِنْ كَانَتْ لَكَافِيَةً. قَالَ: «فُضِّلَتْ عَلَيْهِنَّ بِتِسْعَةٍ وَسِتِّينَ جُزْءًا كُلُّهُنَّ مِثْلُ حَرِّهَا».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 3265]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
Dabkiinu waa hal qayb oo ka mida todobaatan qaybood oo Naarta Jahanama ah, waxaa lagu yiri Rasuulka Ilaahayow, dabkaan ayaa ku filan. wuxuu yiri: waxay ka sii badan tahay sagaal iyo lixdan qaybood oo dhamaantood kulaylkeeda oo kale wada leh.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 3265]

Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay dabka aan shidano inuu yahay qayb ka mida todobaatan qaybood oo Naarta Jahanama ka mid ah. Naarta Aakhiro kulaylkeedu wuxuu ka badan yahay dabka Aduunka sagaal iyo lixdan jeer, oo qayb kastana u dhiganto kulaylka dabka Aduunka. Waxaa lagu yiri: Rasuulka Ilaahayow, Naarta Aduunka ayaa ugu filan cadaab cidii gelaysa. Wuxuu yiri: Naarta Jahanama waa laga siyaadiyey kulaylka dabka Aduunka sagaal iyo lixdan jeer oo dhamaantood kulaykoodu iyadoo kale yahay.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. waxaa la isaga digay Naarta si dadku uga fogaadan samaynta ficilada Naarta lagu mutaysto.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan weynaanta Naarta Jahanama iyo cadaabkeeda, iyo kuleylkeeda oo daran.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda foolaaniga Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan اليونانية Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.