عن ابن مسعود رضي الله عنه قال: قال النبي صلى الله عليه وسلم:
«الْجَنَّةُ أَقْرَبُ إِلَى أَحَدِكُمْ مِنْ شِرَاكِ نَعْلِهِ، وَالنَّارُ مِثْلُ ذَلِكَ».
[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 6488]
المزيــد ...
Ibnu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Qofkastoo idinka mida Janadu waxay uga dhowdahay suunka kabtiisa, Naartuna waa la mid".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 6488]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Janada iyo Naartuba u dhaw yihiin dadka sida kabaha lugta ku jira ee lagu socdo oo kale, waayo waxaa laga yaabaa in camal cibaado ah oo Ilahay jecel yahay la sameeyo oo Janada lagu galo, ama la sameeyo macsi lagu galo Naarta.