عن سهل بن سعد رضي الله عنه عن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«مَنْ يَضْمَنْ لِي مَا بَيْنَ لَحْيَيْهِ وَمَا بَيْنَ رِجْلَيْهِ أَضْمَنْ لَهُ الْجَنَّةَ».

[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 6474]
المزيــد ...

Sahal Binu Sacad Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Qofkii ii balan qaada inta u dhaxaysa labadiisa Qal iyo waxa u dhexeeya labadiisa Lugood waxaan u balan qaadayaa Janada".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 6474]

Sharraxa

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay labo arimood oo hadii Qofka Muslimku ilaaliyo uu Janada ku gelayo.
Tan koowaad: waa Carabka oo laga ilaaliyo inuu ku hadlo wax Ilaahay ka Caraysiinaya.
Tan labaad: waa Farjiga oo laga Ilaaliyo inuu ku dhoco macsi
Waayo waxaa badan in labadaa xubnood lagu sameeyo macaasi.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Carabka iyo Farjiga in Ilaaliyo waxay sabab u tahay gelida Janada.
  2. Waxaa si gaara loo sheegay Carabka iyo Farjiga, waayo labadoodu waa mimbaca ugu wayn ee dadka dhibku uga imaanayo Aduun iyo Aakhiroba.
Bandhigga Tarjamooyinka
Luuqadda: الإنجليزية الأوردية الإسبانية Siyaadin (69)