+ -

عن جابر بن عبد الله رضي الله عنهما قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:
«مَنْ لَقِيَ اللهَ لَا يُشْرِكُ بِهِ شَيْئًا دَخَلَ الْجَنَّةَ، وَمَنْ لَقِيَهُ يُشْرِكُ بِهِ دَخَلَ النَّارَ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 93]
المزيــد ...

Jaabir Binu Cabdulaahi Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiiye wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka scw Ilaahay isagoo dhahaya:
(Qofka Ilaahay la kulma isagoon cidna ugu shariig yeelin janaduu galayaa, qofkase Ilaahay la kulma isagoo u shariig yeelay naartuu galayaa).

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 93]

Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay qofka dhinta isagoo aan Ilaahay cidna ugu shariig yeelin wuxuu ku dambaynayaa janada, xataa hadiiba loo cadaabo dabmiyo uu galay, qofkase dhinta isagoo u shariig yeelaya Ilaahay kaasi naarta ayuu ku waarayaa.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda foolaaniga Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan الأكانية Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Fadliga towxiidka, iyo inuu sabab u yahay in qofku kaga badbaadayo naarta ku waarideeda.
  2. Adoonku waa u dhaw yahay janada iyo naarta , waxaan dhimashada ahayna kama xigaan labadaas.
  3. Waxaa laga digayaa shirkiga kiisa yar iyo kiisa badanba, waayo in naarta laga badbaado waxay ku xiran tahay shirkiga oo laga fogaado.
  4. Camalka aqbalaadiisu waxay ku xiran tahay khaatumada.