عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم:
«اللهُمَّ لَا تَجْعَلْ قَبْرِي وَثَنًا، لَعَنَ اللهُ قَوْمًا اتَّخَذُوا قُبُورَ أَنْبِيَائِهِمْ مَسَاجِدَ».
[صحيح] - [رواه أحمد] - [مسند أحمد: 7358]
المزيــد ...
Abii Hurayra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu ka wariyey:
Ilaahow ha ka dhigin qabrigayga Sanam, Ilaahay wuu lacnaday qoladii ka dhigata qubuurta ambiyadooda masaajid.
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Axmed] - [Musnadka Axmed - 7358]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka baryey Rabigii inuusan ka dhigin qabrigiisa sida sanamka ay dadku caabudaan, iyagoo waynaynaaya, oo sujuuda ay ula jeensadaan, ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay uu cayriyey oo ka fogeeyey naxariistiisa qofka qabuurta Nabiyada ka dhigta masaajid, waayo qabriga in masjid laga dhigto waxay sabab u noqon in la caabudo oo la aamino.