عَنِ النُّعْمَانِ بْنِ بَشِيرٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«مَثَلُ القَائِمِ عَلَى حُدُودِ اللَّهِ وَالوَاقِعِ فِيهَا، كَمَثَلِ قَوْمٍ اسْتَهَمُوا عَلَى سَفِينَةٍ، فَأَصَابَ بَعْضُهُمْ أَعْلاَهَا وَبَعْضُهُمْ أَسْفَلَهَا، فَكَانَ الَّذِينَ فِي أَسْفَلِهَا إِذَا اسْتَقَوْا مِنَ المَاءِ مَرُّوا عَلَى مَنْ فَوْقَهُمْ، فَقَالُوا: لَوْ أَنَّا خَرَقْنَا فِي نَصِيبِنَا خَرْقًا وَلَمْ نُؤْذِ مَنْ فَوْقَنَا، فَإِنْ يَتْرُكُوهُمْ وَمَا أَرَادُوا هَلَكُوا جَمِيعًا، وَإِنْ أَخَذُوا عَلَى أَيْدِيهِمْ نَجَوْا، وَنَجَوْا جَمِيعًا».
[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 2493]
المزيــد ...
Nucmaan Binu Bashiir-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Tusaalaha Qofka xuduuda Ilaahay ku taagan ee ilaalinaya Sharciga iyo midka ku dhacaya ee aan ka waabanayn,waa sida dad Doon u Qori tuurtay, oo qaar heleen xaga sare qaar xaga hoose, oo kuwa xaga hoose helay markay biyo u baahdaan ay siimarayaan kuwa kor saaran, oo ay dhahaan: hadaan halkeenanba dalooshano, oo aynaan dhibin kuwa naga sareeya, hadaba kuwa xaga sare saarani haday u ogolaadaan sidaa dhamaantood way halaagsamayaan, hadayse ka qabtaan Gacmaha oo u diidaan way bad baadin, dhamaantoodna way wada bad-baadayaan."
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 2493]
Nabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu tusaale u soo qaatay kuwa xuduuda Shareecada dhowra ee amarka Ilaahay ku toosan, wanaagana fara xumahana reeba . iyo kuwa ku dhaca Xuduuda Ilaahay, ee kataga wanaaga Xumaantana u bareera, iyo saamaynta taasi ku leedahay badqabka Bulshada, waa sida dad saaran Doon, una Qori tuurtay cida xaga sare fariisan iyo kuwa xaga hoose fariisan, sidaana qaar ku heleen xaga sare, qaarna xaga hoose, kuwa hoosta fadhiya markay Biyo rabaan waxay siimarayaan kuwa sare, oo ay dheheen kuwa hoose: halkan aan joogno aan dalooshano, si aynaan u dhibin kuwa sare, haday ku eegtaan kuwa korka saarani daloolintaa, way la dagin doontu dhamaantood, hadayse ka joojiyaan oo daloolintaa u diidaan way wada bad-baadayaan dhamaantood.