عَنْ مَحْمُودِ بْنِ لَبِيدٍ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«إِنَّ أَخْوَفَ مَا أَخَافُ عَلَيْكُمُ الشِّرْكُ الْأَصْغَرُ» قَالُوا: وَمَا الشِّرْكُ الْأَصْغَرُ يَا رَسُولَ اللهِ؟ قَالَ: «الرِّيَاءُ، يَقُولُ اللهُ عز وجل لَهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ إِذَا جُزِيَ النَّاسُ بِأَعْمَالِهِمْ: اذْهَبُوا إِلَى الَّذِينَ كُنْتُمْ تُرَاؤُونَ فِي الدُّنْيَا، فَانْظُرُوا هَلْ تَجِدُونَ عِنْدَهُمْ جَزَاءً؟».
[حسن] - [رواه أحمد] - [مسند أحمد: 23630]
المزيــد ...
Maxamud Binu Labiid -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuuu yiri:
"Waxa ugu badan ee aan idiinka cabsi qabo waa shirkiga yar", waxay dheheen asaxaabtu: waa maxay shirkiga yari Rasuulka Ilaahayow? wuxuu dhahay: "waa istustuska , Ilaahay ayaa ku oran maalinta qiyaamaha kuwaa marka laga abaal mariyo dadka camalkooda: u taga kuwii aad is tusi jirteen noloshiinii Aduunka, oo eega inaad abaal marin ka heshaan".
[Xadiis Xasan ah] - [Waxa wariyay Axmed] - [Musnadka Axmed - 23630]
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa-ha ahaatee waxa ugu badnaa ee uu uga cabsi qabay ummaddiisa wuxuu ahaa: shirkiga yar oo ah: is tustuska, kaasoo ah inuu qofku wax u sameeyo dadka dartood. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay ciqaabta ku dhicidoonta dadka istustuska wax u sameeya, laguna oran doono Maalinta Qiyaame: socda oo u taga kuwaad dartood camalka u samayn jirteen, bal soo eega inay idiin awoodaan inay ajar idinka siiyaan camalkii aad u samayseen?!