عَنْ مَحْمُودِ بْنِ لَبِيدٍ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«إِنَّ أَخْوَفَ مَا أَخَافُ عَلَيْكُمُ الشِّرْكُ الْأَصْغَرُ» قَالُوا: وَمَا الشِّرْكُ الْأَصْغَرُ يَا رَسُولَ اللهِ؟ قَالَ: «الرِّيَاءُ، يَقُولُ اللهُ عز وجل لَهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ إِذَا جُزِيَ النَّاسُ بِأَعْمَالِهِمْ: اذْهَبُوا إِلَى الَّذِينَ كُنْتُمْ تُرَاؤُونَ فِي الدُّنْيَا، فَانْظُرُوا هَلْ تَجِدُونَ عِنْدَهُمْ جَزَاءً؟».

[حسن] - [رواه أحمد] - [مسند أحمد: 23630]
المزيــد ...

Maxamud Binu Labiid -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuuu yiri:
"Waxa ugu badan ee aan idiinka cabsi qabo waa shirkiga yar", waxay dheheen asaxaabtu: waa maxay shirkiga yari Rasuulka Ilaahayow? wuxuu dhahay: "waa istustuska , Ilaahay ayaa ku oran maalinta qiyaamaha kuwaa marka laga abaal mariyo dadka camalkooda: u taga kuwii aad is tusi jirteen noloshiinii Aduunka, oo eega inaad abaal marin ka heshaan".

[Xadiis Xasan ah] - [Waxa wariyay Axmed] - [Musnadka Axmed - 23630]

Sharraxa

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa-ha ahaatee waxa ugu badnaa ee uu uga cabsi qabay ummaddiisa wuxuu ahaa: shirkiga yar oo ah: is tustuska, kaasoo ah inuu qofku wax u sameeyo dadka dartood. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay ciqaabta ku dhicidoonta dadka istustuska wax u sameeya, laguna oran doono Maalinta Qiyaame: socda oo u taga kuwaad dartood camalka u samayn jirteen, bal soo eega inay idiin awoodaan inay ajar idinka siiyaan camalkii aad u samayseen?!

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Xadiiska waxaa ku sugan inay waajib tahay in camalka Ilaahay khaalis looga dhigo, lagana digtoonaado is tustuska.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan in Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-uu si aad ah ugu dhimriyey ummaddiisa, wuuna ku dadaalay inay soo hanuunaan uuna u naseexeeyey.
  3. Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- haduu sidaa ugu cabsan jiray Asaxaabta isagoo la hadlaya, iyagoo ahaa Madaxdii Saalixiinta, dadka ka dambeeya in loo cabsado ayaa ka mudan.
Bandhigga Tarjamooyinka
Luuqadda: الإنجليزية الأوردية الإسبانية Siyaadin (57)