+ -

عَنْ عَبْدِ اللهِ بْنِ مَسعودٍ رضي الله عنه عن رَسولِ اللهِ صلى الله عليه وسلم قال:
«الطِّيَرَةُ شِرْكٌ، الطِّيَرَةُ شِرْكٌ، الطِّيَرَةُ شِرْكٌ، -ثلاثًا-»، وَمَا مِنَّا إِلَّا، وَلَكِنَّ اللهَ عَزَّ وَجَلَّ يُذْهِبُهُ بِالتَّوَكُّلِ.

[صحيح] - [رواه أبو داود والترمذي وابن ماجه وأحمد]
المزيــد ...

Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri:
"Baasaysigu waa shirki, baasaysigu waa shirki, baasaysigu waa shirki,-saddex jeer", qofkasta oo naga mid ah qalbigiisa wax baasaysiga ah baa ka dhacaaya laakiin Ilaahay wuxuu kaga dhaafaa tawakulka.

Xadiis Saxiix ah. - Waxaa wariyay Ibnu Maajah.

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka digay baasaysiga, waana qofku inuu sharaysto wax uun ama wax la maqlo ha ahaato ama wax la arko ee, sida shimbiraha, xayawaanka, dadka naafada ah, lambarada, maalmaha, iyo wixii la mida. Nabigu scw wuxuu u soo qaatay shimbiraha aad ayaa loo yaqaanay waqtigii jaahiliga, waana shimbirta oo la duuliyo marka hawl la bilaabayo, sida safarka, ganacsiga iyo wixii la mida, haday u duusho xaga midig way bishaaraysan jireen, hawshoodana way ku dhaqaaqi jireen, hadayse u duusho xaga bidix way baasaysan jireen oo waxay rabeena way joojin jireen. Wuxuuna sheegay inay shirki tahay, laakiin sharaysigu wuxuu ahaa shirki, waayo kheyrka Ilaahay uun baa keeni kara, sharkana Ilaahay uun baa difaaca kaligi cid la wadaagtana ma jirto.
Wuxuu sheegay Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- inuu qofka muslimka ah qalbigiisa ku dhicikaro wax sharaysi ka mid ahi, laakiin uu iskaga difaaco tawakulka Ilaahay la talo saaranayo, iyadoo la raacinayo in asbaabtii lala yimaado.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. In wax al sharaysto waa shirki, waayo waxaa ku jira inuu qalbigu cid aan Ilaahay ahayn ku xiran yahay.
  2. Ahmiyada ayey leedahay ku celcelinta masalooyinka muhiimka ah, si loo qaybo oo ay qalbiga ugu degto.
  3. Baasaysiga waxaa ku filan oo baabi'iya Ilaahay la talo saarto.
  4. Waxaa la is faray in Ilaahay kaligii uun la talo saarto, oo qalbiga lagu xiro Ilaahay.