+ -

عن ابْنِ عُمَرَ رضي الله عنهما أنه سَمِعَ رَجُلًا يَقُولُ: لَا وَالْكَعْبَةِ، فَقَالَ ابْنُ عُمَرَ: لَا يُحْلَفُ بِغَيْرِ اللَّهِ، فَإِنِّي سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ:
«مَنْ حَلَفَ بِغَيْرِ اللهِ فَقَدْ كَفَرَ أَوْ أَشْرَكَ».

[صحيح] - [رواه أبو داود والترمذي وأحمد]
المزيــد ...

Cabdullaahi Binu Cumar Allaha ka raali ahaado isagiyo aabihiibe waxaa laga wariyey inuu maqley nin dhahaya: maya kacbadaan ku dhaartee, wuxuu ku yiri Ibnu Cumar: lagumo dhaarto cidaan Ilaahay ahayn, anigu waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay scw isagoo dhahay:
(Qofkii ku dhaarta waxaan Ilaahay ahayn wuu gaaloobay ama shirki buu la yimid).

Xadiis Saxiix ah. - Waxaa wariyay At-tirmidi

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay qofkii ku dhaarta cidaan Ilaahay ahayn iyo magacyadiisa iyo sifaadkiisa inuu Ilaahay ku kufriyey ama uu shirki la yimid, waayo dhaartu waxay keenaysaa waynaynta cida lagu dhaaranayo, waynayntana Ilaahay kaligi ayey u sugnaatay, laguma dhaarto Ilaahay, magacyadiisa iyo sifaadkiisa cidaan ahayn. Dhaartaasina waxay ka mid tahay shirkiga yar, laakiin hadii qofka dhaartay uu u wayneeyo waxa uu ku dhaartay sida waynaynta Ilaahay oo kale ama ka siidaran, markaa wuxuu noqonayaa shirkiga wayn.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Dhaarta in lagu wayneeyaa waa xaq Ilaahay leeyahay, Isagaa nusqaan ka hufan oo sareeyee, laguma dhaarto cidaan Ilaahay, magacyadiisa iyo sifaadkiisa ahayn.
  2. Asxaabtu waxay ku dadaaleen wanaag faridiisa iyo xumaanta reebideeda, gaar ahaan hadii xumaantu tahay mid shirki iyo gaalnimo la xiriirta.