عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«لَا تَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ حَتَّى تُؤْمِنُوا، وَلَا تُؤْمِنُوا حَتَّى تَحَابُّوا، أَوَلَا أَدُلُّكُمْ عَلَى شَيْءٍ إِذَا فَعَلْتُمُوهُ تَحَابَبْتُمْ؟ أَفْشُوا السَّلَامَ بَيْنَكُمْ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 54]
المزيــد ...

Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Janada galimaysaan ilaa aad rumaysaan, rumayna maysaan ilaa aad is jeclaataan, ma idin tusaa wax hadaad samaysaan aad is jeclaanaysaan? Salaanta dhexdiina ku faafiya."

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 54]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inaysan janada galeyn cidaan Mu'uminiinta ahayni, iimaankuna ma dhamaystirmo mana hagaagayo xaalka Muslimiintu ilaa ay is jeclaadaan. Ka dibna wuxuu ku booriyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax yaabaha ugu fiican ee is jacaylka keena, waana salaanta oo Muslimiinu lagu faafiyo, taasoo Ilaahay uu ka dhigay salaanta Adoomadiisa ay ku salaamaan.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Janada laguma galo wax aan Iimaan ahayn.
  2. Iimaanka kaamilnimadiisa waxaa ka mida in Qofka Muslimkaahi la jeclaado Walaalki waxa uu Naftiisa la jecel yahay.
  3. Waa Suno in salaanta la faafiyo oo Muslimiinta la salaamo, waayo faafinta salaanta dadka waxay u keenaysaa is jacayl iyo amaan.
  4. Salaanta laguma salaami karo Qof aan Muslim ahayn, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: " dhexdiina".
  5. Salaanta in lagu dadaalo waxay meesha ka saartaa is naca dadka, kalatega, iyo calool xumada dadka dhexdiisa taala.
  6. Ahmiyad ayey leedahay is jeclaanta Muslimiintu waxayna ka mid tahay iimaanka kaamilnimadiisa.
  7. Xaddiis kale waxaa ku soo arooray, qaabka salaanta buuxda: "Asalaamu calaykum wa Raxmatu Allaahi wa Barakaatuh", waxaana ku filan: ''Asalaamu calaykum''.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (55)