عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«لَا تَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ حَتَّى تُؤْمِنُوا، وَلَا تُؤْمِنُوا حَتَّى تَحَابُّوا، أَوَلَا أَدُلُّكُمْ عَلَى شَيْءٍ إِذَا فَعَلْتُمُوهُ تَحَابَبْتُمْ؟ أَفْشُوا السَّلَامَ بَيْنَكُمْ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 54]
المزيــد ...
Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Janada galimaysaan ilaa aad rumaysaan, rumayna maysaan ilaa aad is jeclaataan, ma idin tusaa wax hadaad samaysaan aad is jeclaanaysaan? Salaanta dhexdiina ku faafiya."
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 54]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inaysan janada galeyn cidaan Mu'uminiinta ahayni, iimaankuna ma dhamaystirmo mana hagaagayo xaalka Muslimiintu ilaa ay is jeclaadaan. Ka dibna wuxuu ku booriyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax yaabaha ugu fiican ee is jacaylka keena, waana salaanta oo Muslimiinu lagu faafiyo, taasoo Ilaahay uu ka dhigay salaanta Adoomadiisa ay ku salaamaan.