+ -

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«لَتَتَّبِعُنَّ سَنَنَ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ، شِبْرًا بِشِبْرٍ، وَذِرَاعًا بِذِرَاعٍ، حَتَّى لَوْ دَخَلُوا فِي جُحْرِ ضَبٍّ لَاتَّبَعْتُمُوهُمْ» قُلْنَا: يَا رَسُولَ اللهِ آلْيَهُودَ وَالنَّصَارَى؟ قَالَ: «فَمَنْ؟».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 2669]
المزيــد ...

Abii Saciid Alkhudr -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu yiri:
"Waxaad taako taako iyo dhudhun dhudhun u raacaysaan dariiqii ay jideeyeen kuwii idinka horeeyey, xataa haday galaan god abeeso lugaley waad raacaysaan" waxaan ku niri: Rasuulka Ilaahayow ma yuhuud iyo nasaaraad u jeedaa? wuxuu yiri: " yaa kale?".

[Xadiis Saxiix ah] - - [Saxiix Muslim - 2669]

Sharraxaad

Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay sida uu noqondoono xaalaka ummaddisa qaar ka mida waqtiga uu joogo ka dib, taaso ah inay ku raacidoonaan Yuhuuda iyo Nasaarada caqiidadooda, camalkooda, caadadooda iyo dhaqankooda raacid aad u daran oo taako taako iyo dhudhun dhudhun ah, xataa hadii ay galaan god abeeso lugaley ay ka daba galayaan.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda dariya Luqadda roomaaniya Oromo
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa astaan ka mid ah astaamihii Nabinimada Nabiga scw, isagoo sii sheegay arinkaasi intuuna dhicin, wuxuuna u dhacay sidii uu sheegay.
  2. Waxaa la reebay in muslimiintu isku ekaysiiyaan gaalada, waa isku mid haday uga ekaadaan xaga caqiidadooda, ama cibaadadooda ama ciidahooda, ama dharkooda u gaarka ah.
  3. waxyaabaha macnawiga ah in lagu cadeeyo tusaale
  4. la taaban karo waxay ka mid tahay usluubka Islaamku dadka wax ku baro.
  5. Abeeso lugaley: waa xayawaan godkiisu aad mugdi u yahay oo qarmuun, waana xamaaratada saxaraha ku badan, sababta tusaalaha loogu gaar yeelay godka abeeso lugaleyda waa inuu aad ciriiri u yahay iyo xumaantiisa, sidaasoo ay tahay siday raadkooda ugu dayanayaan oo dariiqooda u raacayaan hadii ay galaan wax la mida godkaas ciriiriga ah oo xun way ku raacayaan! Ilaahay ayaa kaalmo lehe.