عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قال: قال رَسُولُ الله صلى الله عليه وسلم:
«إِنَّ اللهَ يَغَارُ، وَإِنَّ الْمُؤْمِنَ يَغَارُ، وَغَيْرَةُ اللهِ أَنْ يَأْتِيَ الْمُؤْمِنُ مَا حَرَّمَ عَلَيْهِ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 2761]
المزيــد ...

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Ilaahay wuu caroodaa, Muuminkuna wuu caroodaa, carada Ilaahay waa inuu Muuminku la yimaado wax Ilaahay ka xarimay".

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 2761]

Sharraxa

Nabigu wuxuu sheegay-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay in Ilaahay Qiiroodo caroodna karaahsadona, sida Muuminku u Qiiroodo una Caroodo una Karaahsado, sababta Ilaahay u caroodana, waa in Muuminku la yimaaddo waxa Ilaahay ka xarimay ee xumaan ah, sida Sinada, Khaniisida, Tuugada, Khamri cabida iyo xumaanta kale.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Waxaa laga digayaa carada Ilaahay iyo ciqaabtiisa hadii lagu dhaco wuxuu xarimay.
Bandhigga Tarjamooyinka
Luuqadda: الإنجليزية الأوردية الإسبانية Siyaadin (57)