عَنْ حُذَيْفَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«لَا تَقُولُوا: مَا شَاءَ اللهُ وَشَاءَ فُلَانٌ، وَلَكِنْ قُولُوا: مَا شَاءَ اللهُ ثُمَّ شَاءَ فُلَانٌ».
[صحيح بمجموع طرقه] - [رواه أبو داود والنسائي في الكبرى وأحمد] - [السنن الكبرى للنسائي: 10755]
المزيــد ...
Xudeyfa -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Hadhihina: hadii Ilaahay ogolaado Hebelna ogolaado, laakiin waxaad dhahdaan: hadii Ilaahay ogolaado ka dibna Hebel ogolaado."
[Xadiis Saxiix ah, marka la isku daro dariiqyadiisa] - [Waa wariyay Abuu Daa'uud, An-Nasaa'i oo Sunan Kubraa ah, iyo Axmed] - [Sunan Alkubraa Nisaa'i - 10755]
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay inuu qofka muslimka ahi dhoho: hadii Ilaahay ogolaado hebelna ogolaado." Ama hadii Ilaahay doono iyo Hebel, Waayo doonista Ilaahay iyo Iraadadiisu waa mid guud oo Isaga u gaara oo aan cidna la wadaagin. Adeegsiga xarafka waaw oo loo adeegsado isku xirka (iyo) wuxuu tusayaa oo loo fahmayaa in lala wadaagayo Ilaahay wuxuu xukumayo, iyo in cid lala simayo Ilaahay-isagaa nusqaan oo dhan ka hufane-. laakiin wuxuu oran: hadii Ilaahay ogolaado, ka dibna Hebel ogolaado, oo wuxuuna ka dhigayaa rabitaanka iyo doonista Adoonku inay ku xiran tahay doonitaanka Ilaahay isagoo oranaya: xarafka (suma), oo macnihiisu yahay (ka dib), wuxuuna ka leexanayaa oo iska ilaalinayaa xarafka (waaw), waayo xarafka (suma) wuxuu faa'iidaynayaa oo loo fahmayaa ka daba geyn, iyo ka danbayn.