+ -

عن أبي بَشير الأنصاري رضي الله عنه:
أَنَّهُ كَانَ مَعَ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِي بَعْضِ أَسْفَارِهِ، قَالَ: فَأَرْسَلَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ رَسُولًا -وَالنَّاسُ فِي مَبِيتِهِمْ-: «لَا يَبْقَيَنَّ فِي رَقَبَةِ بَعِيرٍ قِلَادَةٌ مِنْ وَتَرٍ أَوْ قِلَادَةٌ إِلَّا قُطِعَتْ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Abii Bashiir Al-ansaari-Allaha ka raali ahaade:
Wuxuu la socday Rasuulka Ilaahay scw safarradiisa qaarkood, wuxuuna yiri: Rasuulka scw: qof ayuu diray, dadkii oo jooga halkii la dagay -:( yaan lagu dayn ratina inay ku xirnaato qoortiisa kuul iyo qardhaas toona, waana in laga wada goyaa).

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu jirey safaradiisii mid ka mid ah, dadkuna waxay ku sugnaayeen meeshii ay dageen iyo tendhooyinkooda, qof buuna u diray dadka -si uu fariin ugu sheego- taasoo ah: in laga wada jaro wax yaabaha qardhaasaha ah ee awrta qoorta loogu xiray, ha ahaado xadhig, ama waxkale sida koorta ama kabaha, waayo waxaasay u xiri jireen, cabsi ay ka qabeen isha darteed, waxaana la amaray inay ka jaraan xoolaha waxaa, waayo wax ay ka difaaci kartaan jirin, wax tarka iyo wax yeelladuba gacanta Ilaahay bay ku jiraan, kaligi cid la wadaagta ma jirto.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa xaaraan in lagu lulo xarko iyo kuulo si ay nafac ugu keenaan ama dhib uga celiyaan, waayo waxaasi shirkiga ayey ka mid yihiin.
  2. Waxaa waajib ah in xumaanta la joojiyo-oo laga hortago qof walba inta awoodiisa ah.
  3. Waa waajib in qalbiga lagu xidho Ilaahay kaligii, Ilaahay malaha wax shariig ah.