+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّهُ قَالَ:
قِيلَ: يَا رَسُولَ اللهِ، مَنْ أَسْعَدُ النَّاسِ بِشَفَاعَتِكَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ؟ قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «لَقَدْ ظَنَنْتُ يَا أَبَا هُرَيْرَةَ أَنْ لَا يَسْأَلَنِي عَنْ هَذَا الْحَدِيثِ أَحَدٌ أَوَّلُ مِنْكَ؛ لِمَا رَأَيْتُ مِنْ حِرْصِكَ عَلَى الْحَدِيثِ، أَسْعَدُ النَّاسِ بِشَفَاعَتِي يَوْمَ الْقِيَامَةِ، مَنْ قَالَ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ خَالِصًا مِنْ قَلْبِهِ أَوْ نَفْسِهِ»».

[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 99]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa lagu yiri: Rasuulkii Ilaahayow dadka yaa ugu mudan shafaacadaada Maalinta Qiyaame? wuxuu yiri Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: "waxaan filayey Abaa Hureyrow inaanu i waydiinayn xadiiskaan qof adiga kaa horeeya markaan arkay sidaad ugu dadaalaysid Xadiiska, Qofka dadka ugu mudan shafaacadeyda Naalinta Qiyaame, waa Qofka qalbigiisa ama naftiisa si ikhlaas ah uga yiraahda laa Ilaaha ilaa Allaah".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 99]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay qofka ugu mudan shafaacadiisa Maalinta Qiyaame waa qofka qalbigiisa si ikhlaas ah uga yiraahda: "Laa Ilaaha Ilaa Allah" majiro Ilaah xaqa lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, waana inuu yahay mid ka nabad galay shirkiga iyo is tus tuska.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku sugan in Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ay sugan tahay shafeecadiisa Aakhiro, iyadoo khaas ku ah Muwaxidiinta.
  2. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee shafaacadiisu waa isagoo Ilaahay u barya qofka Naartu u waajibtay inuusan Naarta galin, Qokii Naarta galayna uu shafeecada kaga soo boxo Naarta.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga ay leedahay kalimada Tawxiidku iyadoo Ilaahay loo khaalis yeelayo, iyo waynida raadkeeda.
  4. Kalimada Tawxiidka waxaa lagu xaqiijin karaa in macnaheeda la barto laguna camal falo waxay keenayso.
  5. Xadiiska waxaa ku cad Fadliga Abii Hurayre Allaha ha ka raali noqdee, iyo siduu Cilmiga ugu dadaali jirey.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda foolaaniga Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan اليونانية الأكانية Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.