+ -

عن عائشة رضي الله عنها قالت:
سَأَلَ أُنَاسٌ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَنِ الْكُهَّانِ، فَقَالَ لَهُمْ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «لَيْسُوا بِشَيْءٍ» قَالُوا: يَا رَسُولَ اللهِ، فَإِنَّهُمْ يُحَدِّثُونَ أَحْيَانًا بِالشَّيْءِ يَكُونُ حَقًّا، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «تِلْكَ الْكَلِمَةُ مِنَ الْحَقِّ يَخْطَفُهَا الْجِنِّيُّ فَيَقُرُّهَا فِي أُذُنِ وَلِيِّهِ قَرَّ الدَّجَاجَةِ، فَيَخْلِطُونَ فِيهَا أَكْثَرَ مِنْ مِائَةِ كَذْبَةٍ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxay tiri:
Dad ayaa waydiiyey Rasuulka scw faalalowga, wuxuu ugu jawaabey: (waxba maaha kuwaasi) waxay dheheen: Rasuul alloow, waxbay sheegaan waqtiyada qaar wuuna rumoobaa, wuxuu dhahay Rasuulku scw: ( taasu waa eray xaqa ah oo jinku soo dafay wuxuuna ku cel-celiyaa dhagta kan la shaqeeya sida dhawaqa digaagu ugu cel-celiyo, waxayna ku daraan in ka badan boqol beenood).

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Albukhaari.

Sharaxaad

Nabigaa scw la waydiiyey kuwa qaybka soo socda wax ka sheega, wuxuuna ku jawaabey: dan ha u galina kuwaa, hadalkoodana ha qaadanina, warkoodana ahmiyad ha siinina.
Waxay dheheen: hadalkoodu waqtiyada qaar runtuu waafaqaa oo waxbaa laga arkaa, sida hadday sheegaan arin qayb ah inuu dhacayo bisha heblaayo maalin hebel, siday u sheegeen buu u dhacaa waqtiyada qaar.
Wuxuu dhahay Rasuulku scw jinka ayaa soo dafa waxa uu ka maqlo warka samada, waxayna u sheegaan madaxdooda faalalowga ah wixii ay maqleen, faaliya-yaashuna waxay kusii darayaan warkaa samada laga soo maqlay boqol beenood.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa la reebay in la rumaysto faalalowyada, waxay sheegaana waa been la dhoo dhoobay, runba ha sheegeen mararka qaarkoode.
  2. Samada waxaa laga ilaaliyey shayaadiinta soo diritaankii Nabi Maxammad scw ka dib inay soo dhagaystaan wax waxyiga ka mida iyo qayrkiba mid wuxuu maqlay soo xaday maahee oo ka nabad galay shihaabka lagu tuuro.
  3. Jinigu wuxuu leeyahay kuwo u madax ah oo insi ah.