عن ابن عمر رضي الله عنهما:
أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ نَهَى عَنِ الْقَزَعِ.

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 5921]
المزيــد ...

Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey:
Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay qasciga oo ah in Timaha qaar la xiiro qaarna la daayo.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 5921]

Sharraxa

Wuxuu reebay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in timaha madaxa qaybna laxiiro qaybna la daayo.
Reebiduna waa guud ahaan ragga yaryar iyo kuwa wawaynba, Dumarkase uma banaana inay timaha Madaxooda xiiraan.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Shareecada Islaamku way ilaalisay muuqaalka dadka.
Bandhigga Tarjamooyinka
Luuqadda: الإنجليزية الأوردية الإسبانية Siyaadin (63)