+ -

عَن أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«لَا يَنْظُرُ الرَّجُلُ إِلَى عَوْرَةِ الرَّجُلِ، وَلَا الْمَرْأَةُ إِلَى عَوْرَةِ الْمَرْأَةِ، وَلَا يُفْضِي الرَّجُلُ إِلَى الرَّجُلِ فِي ثَوْبٍ وَاحِدٍ، وَلَا تُفْضِي الْمَرْأَةُ إِلَى الْمَرْأَةِ فِي الثَّوْبِ الْوَاحِدِ».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Abii Saciid Alkhudri -Allaha ka raali ahaadee- wxuuu Rasuulka Ilaahay ka wariyey inuu yiri:
"Yaanu eegin ninku cawrada nin kale, haweenayduna yaanay eegin cawrada naag kale, ninna yaanu la huwan nin kale hal maro, haweenayna yaanay haweenay kale la huwan hal maro."

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay in ninku eego cawrada nin kale, iyo inay haweenaydu eegto cawrada haweenay kale.
cawraduna: waa wax kastoo laga xishoodo hadii ay muuqato, cawrada ninkuna waa inta u dhaxaysa xuduntiisa iyo lawgiisa, Haweenayduna dhamaanteed cawro ayey ka tahay raga ajaanibta ah, dumarka iyo raga maxaarimteeda ahna waxay u muujinaysaa inta ay muujiso marka ay guriga ka shaqaynayso.
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay inuu ninku ninkale hal maro ama wax kalaba kula keliyoobo iyagoo qaawan, wuxuu kaloo reebay in haweenay ay haweenay kale hal maro ama wax kale kula keli noqoto iyagoo wada qaawan, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa in qofba qofka kale cawradiisa taabto, taabashadeeduna waa xaaraan sida eegmadeeda loo xaaraan tinimeeyey, oo waliba way kasii daran tahay, waxayna keenaysaa fasahaad kasii wayn.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa la reebay in la eego cawrooyinka marka laga reebo ninka iyo xaaskiisa.
  2. Islaamku wuxuu ku dadaalay in bulshadu daahir ahaato oo la xiro dariiq walba oo faaxisho keenaya.
  3. Way banaan tahay eegmada cawradu markay baahi keento sida daawaynta iyo wixii la mida, waana inaan shahwad loo taaban.
  4. Qofka muslimka ah waxaa la faray inuu cawradiisa asturo oo indhihiisana ka laabto cawrada dadka kale.
  5. waxaa reebida lagu gaar yeelay rag la jooga rag kale iyo dumarka la jooga dumar kale, waayo taasi waxay keenaysaa inay is eegaan oo cawrada faydaan.