+ -

عَن عُمَرَ بنِ الخَطَّابِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قال: سَمِعْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ:
«لَا تُطْرُونِي كَمَا أَطْرَتِ النَّصَارَى ابْنَ مَرْيَمَ؛ فَإِنَّمَا أَنَا عَبْدُهُ، فَقُولُوا: عَبْدُ اللهِ وَرَسُولُهُ».

[صحيح] - [رواه البخاري]
المزيــد ...

Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga scw isagoo dhahaya:
((Ha ku xad gudbina amaantayda siday ugu xad gudubtay Nasaaradu Ibnu Maryama, anigu waxaan ahay adoon Ilaahay ee i dhaha addoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa)).

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Albukhaari.

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu reebay in xadka sharciga ah la dhaafiyo amaantiisa oo lagu sifeeyo sifaatka Ilaahay iyo ficilka Ilaahay u gaarka ah, ama in lagu sheego inuu og yahay qaybka, ama Ilaahay lala baryo, sida ay nasaaradu ku samaysay Ciise Ibnu Maryama nabadi korkiisa ha ahaat. Ka dib wuxuu caddeeyey inuu yahay adoon Ilaahay, wuxuuna faray inaan isaga ku niraahno: adoonkii Ilaahay iyo Rasuulkiisa.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa laga digayaa ku xad gudubka sharciga ah ee waynaynta iyo amaanta, waayo taasi waxay hor keenaysa shirki.
  2. Arinkii Nabigu scw ka digay way ku dhacaday ummaddani, oo qolo waxay ku xad gudubtay Rasuulka Ilaahay scw, qolona waxay ku xad gudubtay Aalu Baytka, qolona waxay ku xad gudubtay owliyada Ilaahay, markaasay ku dheceen shirki.
  3. Rasuulka Ilaahay scw wuxuu naftiisa ku sifeeyey inuu yahay adoon Ilaahay, si uu u caddeeyo inuu yahay adoon Ilaahay Rabi u yahay, oo aysan banaanayna in la siiyo wax Ilaahay u gaara.
  4. Rasuulku scw wuxuu ku sifeeyey naftiisa inuu Rasuul Ilaahay yahay, si uu u caddeeyo in xaga Ilaahay laga soo diray oo ay waajib tahay rumayntiisu iyo raacidiisu.