+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«لاَ عَدْوَى وَلاَ طِيَرَةَ، وَلاَ هَامَةَ وَلاَ صَفَرَ، وَفِرَّ مِنَ المَجْذُومِ كَمَا تَفِرُّ مِنَ الأَسَدِ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 5707]
المزيــد ...

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri:
"Majiro cudur iskii u kala gudba, majirto in la baasaysto shimbiraha ama guumeysta iyo in la baasaysto bisha safar, ugana carar qofka qaba juudaanka sidaad uga cararto libaaxa."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 5707]

Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey falalkii jaahiliyada qaar ka mid ah isagoo ka digaya, wuxuu kaloo cadeeyey in wax walba gacanta Ilaahay ku jiraan, oo wax walba Ilaahay amarkiisa iyo qadarkiisa ku ahaanayaan, waana:
Mida 1aad: waxay aamin sanaayeen inuu cudurku iskii u gudbo, Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuu ka reebay dadku inay rumeeyaan in jiradu qofka jiran iskeed uga gudubto oo qof kale aado, balse Ilaahay ayaa maamula aduunkaan, isaga ayaana soo dajiya cudurka isaga ayaana qaada, arinkaasi ma dhici karo inuu Ilaahay iraadadiisa iyo amarkiisa ku ahaado mooyee.
mida 2aad: dadkii jaahiligu waxay ahaayeen hadii ay safar ama ganacsi u baxayaan, waxay duulin jireen shimbir, haduu midigta u duulo way bishaaraysan jireen, haduuse xaga bidix u duulo way baasaysan jireen oo ka laaban jireen, Nabigu scw wuu ka reebay baasaysigaa shimbiraha, wuxuuna u cadeeyey inay caqiido baadila tahay.
Mida 3aad: dadkii jaahiligu waxay oran jireen: hadii shimbirka guumaystu soo fuusho guri musiibo ayaa ku dhacaysa reerka guriga leh, Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuu ka reebay baaseysigaas.
Mida 4aad: Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay in la baasaysto bisha Safar, waana bisha labaad ee bilaha qamariga ah, waxaa kaloo la yiri: safar waa abeeso gasha caloosha, oo ku dhacda xoolaha iyo dadkaba, waxay sheegi jireen inay ka faafi og tahay cudurka cadhada, Nabiguna-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuu ka reebay caqiidadaas.
Mida 5aad: Nabigu scw wuxu amray in laga fogaado qofka qaba cudurka Juudaanka sida looga fogaado libaaxa, taasina waa in nafta loo dadaalo oo la dalbo bad qabkeeda oo la sameeyo ficilka Ilaahay amray, juudaanku waa cudur xubnaha dadku ay is cunaan.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. waa waajib in Ilaahay la talo saarato iyo in isaga la cuskado, oo la sameeyo asbaabta sharciga ah.
  2. Waa waajib in la rumeeyo Ilaahay qadahiisa iyo qadarkiisa, iyo in asbaabtu Ilaahay gacantiisa ku jirto oo isagu socodsiiyo ama u diida inay saamayn yeelato.
  3. waa in la buriyo waxay samaynayaan dadka qaarki oo ah inay baasaystaan midabada, sida madowga iyo gaduudka ama lambarada, magacyada, dadka qaarki iyo dadka naafada ah.
  4. Reebida la reebay in loo dhawaado qofka qaba cudurka juudaanka, waxaa la mida dadka qaba cudurada faafa: taasina waxay ka mid tahay asbaabta Ilaahay ku socodsiiyo inay si caadi ah uga timaado asbaabteeda: oo asbaabtu iskeed uma madax banaana, balse Ilaahay haduu doono wuu ka qaadayaa awoodeeda oo wax saamayn ah ma yeelanayno, haduu doonana waa daynayaa oo saamayn ayey yeelanaysaa.