عن عبد الله بن مسعود قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«هَلَكَ الْمُتَنَطِّعُون» قالها ثلاثًا.
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2670]
المزيــد ...
Cabulaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri :
"Way halaagsameen kuwa Diinta isku adkeeya" seddex jeer ayuu yiri.
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2670]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay guul darada iyo khasaaraha ku dhacaya kuwa Diinta isku adkeeya iyagoo toosnaan iyo cilmi ku socon Diintooda iyo Aduunyadoodaba, iyo hadalkooda iyo ficilkoodaba, kuwaasoo dhaafay xadka Sharciga ah ee Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee la yimid.