عَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«لَا عَدْوَى، وَلَا طِيَرَةَ، وَيُعْجِبُنِي الْفَأْلُ» قَالَ قِيلَ: وَمَا الْفَأْلُ؟ قَالَ: «الْكَلِمَةُ الطَّيِّبَةُ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 2224]
المزيــد ...
Anas Binu Maalik -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Majirto is qaadsiini, majiro baaseysi, waxaanan jeclahay in wanaag la fisho", wuxuu yiri-Anas- waxaa lagu yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: waa maxay wanaag la fisho?, wuxuu yiri: "waa hadalka wanaagsan."
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 2224]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay faafitaanka cudurada ay aaminsanaayeen dadkii jaahiliyadu in cudurku iskiis ugu gudbo qof kale oo qadar Ilaahay aanu jirin inay taasi baadil tahay. Baasaysiguna uu baadil yahay, waana in qofku wax uun sharaysto yacni shay uu maqlay ha ahaado ama shay uu arkaye, sida shinbirta ama xayawaan ama dad naafo ah ama lambaro ama maalmo iyo wixii la mida Wuxuu shimbiraha u xusay waxay ahaayeen shimbiruhu waxa ugu caansan ee la baasaysto waqtigii jaahiliyada, asal ahaana waa in shimbiraha la duuliyo marka hawl loo kacayo, sida safarka, ganacsiga iyo wixii la mida, hadii shimbirku u duulo xaga midigta wanaag ayuu filanayaa wuuna ku dhaqaaqayaa wuxuu rabay, haduuse u duulo xaga bidix wuu shareysan wuuna ka joogin wuxuu rabay. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu jecel yahay filashada wanaaga, oo ah warka qofka farxada iyo rayrayn geliya taaso ka timid kalimad fiican oo uu maqlay, oo ka dhigaysa in qofku rabigi male fiican ka fisho.