عَنِ الْبَرَاءِ رضي الله عنه:
عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنَّهُ قَالَ فِي الْأَنْصَارِ: «لَا يُحِبُّهُمْ إِلَّا مُؤْمِنٌ، وَلَا يُبْغِضُهُمْ إِلَّا مُنَافِقٌ، مَنْ أَحَبَّهُمْ أَحَبَّهُ اللهُ وَمَنْ أَبْغَضَهُمْ أَبْغَضَهُ اللهُ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 75]
المزيــد ...

Bara`a -Allaha ka raali ahaadee-:
Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu xaalka ansaar ka yiri: "mu`umin uun baa jeclaada, munaafaq uun baana u carooda, cida jeclaata Ilaahay ayaa jeclaada, cida u carootana Ilaahay ayaa u carooda."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 75]

Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- dadkii reer madiina ansaarta ay jeclaayeen waa astaan tusaysa iimaan kaamila, waana iyagoo ku hor maray inay u hiiliyaan Islaamka iyo Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-,iyo dadaalkii ay u galeen soo dhawayntii iyo dib u dejintii muslimiinta, iyo inay u hureen maalkooda iyo naftoodaba jidka Ilaahay, in loo caroodana waa astaanta nifaaqa. Ka dib wuxuu cadeeyey Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee cida ansaar jeclaata in Ilaahay jeclaanayo, cida u carootana Ilaahay u caroonayo.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. xadiiska waxaa ku sugan amaan wayn oo ansaar ay leedahay, jacaylkoodu wuxuu calaamad u yahay iimaanka, iyo in bari laga noqdo nifaaqa.
  2. Awliyada Ilaahay oo la jeclaado oo loo hiiliyo waxay sabab u tahay in Ilaahay adoonka jeclaado
  3. xadiiska waxaa ku cad fadliga wayn ee ay leeyihiin mu`muminiintii Islaamka ku soo hormary.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (56)