+ -

عن أبي مالكٍ الأشعريِّ رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«الطُّهُورُ شَطْرُ الْإِيمَانِ، وَالْحَمْدُ لِلهِ تَمْلَأُ الْمِيزَانَ، وَسُبْحَانَ اللهِ وَالْحَمْدُ لِلهِ تَمْلَآنِ -أَوْ تَمْلَأُ- مَا بَيْنَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ، وَالصَّلَاةُ نُورٌ، وَالصَّدَقَةُ بُرْهَانٌ، وَالصَّبْرُ ضِيَاءٌ، وَالْقُرْآنُ حُجَّةٌ لَكَ أَوْ عَلَيْكَ، كُلُّ النَّاسِ يَغْدُو، فَبَايِعٌ نَفْسَهُ فَمُعْتِقُهَا أَوْ مُوبِقُهَا».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Abii Maalik Alashcari Allaha karaali noqdee wuxuu yidhi: Rasuulkii Alle naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yidhi:
Daahirnimadu waa iimaanka badhkii, alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama subxaana Allaah wa alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa samooyinka iyo dhulka, salaaduna waa nuur, sadaqaduna qofka xujo ayey u tahay, sabirkuna waa iftiin, Quraankuna xujo ayuu kuu noqdaa ama xujo ayuu kugu noqdaa dadka oo dhan way kalahaan, qof walbana wuxuu samaynaayo ayuu naftiisa ku iibsaday markaasaa dadku waxay noqonayaan mid naftiisa xoreeya ama halaaga.

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu sheegay dahaarada qofku ku daahir noqonayo inay tahay weysada iyo qubayska waxayna shardi u tahay salaada. Erayga alxamdu lilaahi waxay buuxisaa miisaanka waana ammaanta Alle isagaa nusqaan ka hufane, iyo sifo ka mida sifooyinkiisa kamaalka ah, maalinta qiyaame waa la miisaamin waxayna buuxin miisaanka camalka. Erayga subxaana Allaah iyo Alxamdu lillaah waa ka hufidda Alle wax kastoo naaqus ah, iyo in ilaahay lagu sifeeyo kamaal oo dhan, kaasoo u qalma ilaahay waynankiisa, Isagoo la jecel yahay lana weyneynayo, taasi waxay buuxisaa inta u dhaxaysa samooyinka iyo dhulka. Salaaddu nuur ayey u tahay adoonka qalbigiisa, wejigiisa, qabrigiisa, iyo markuu maxsharka imaanayo. Sadaqadu waxay muminka u tahay xujo waxayna daliil u tahay in iimaankiisu run yahay kana duwan yahay munaafiqa aan rumaysnayn ajarka loo ballan qaaday. Sabirku waa iftiin, waana naftoo laga xabbiso argagaxa iyo carada, waana nuur uu la socdo kulayal iyo gubasho sida iftiika qoraxdoo kale, waayo sabirku waa dhib u baahan la dagaalanka nafta iyo in loo diido waxay rabto, qofka sabrayaa wuxuu ahaanayaa mid sabirka iftiinsada oo ku hanuuna oo si sax ah u toosnaada, sabirku waa daadcada ilahay oo lagu sabro, macsida oo laga sabro, musiibda oo lagu sabro iyo noocyada dhibaatooyinka Adduunka oo loo adkaysto. qur'aanku akhriskiisa iyo ku camal falkiisa ayuu xujo kuugu noqon, hadii aad akhrin waydo ama ku camal fali waydona xujo ayuu kugu noqon. Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee ka dib wuxuu sheegay in dadka oo dhan soconayaan oo faafayaan oo hurdadooda ka toosayaan oo guryahooda uga soo baxayaan shaqooyin kooda kala duwan. dadka waxaa ka mid ah qof ku toosan daacada Ilaahay oo naftiisa naarta ka xoreynaya, waxaa kaloo ka mida mid xaqa ka leexaday oo macaasida ku dhacaya oo naftiisa naar ku halaagaya.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Dahaaradu waa labo dahaaro: dahaarada muuqata waa weysada iyo qubeyska, dahaarada qarsoona waa towxiidka, iimaanka iyo camalka saalixa ah.
  2. Muhimad ayey leedahay ilaalinta salaaddu, Adoonka salaadu waxay u tahay nuur adduunka iyo maalinta qiyaamahaba.
  3. Sadaqaduna waxay daliil u tahay in iimaanku run yahay.
  4. Muhimad ayey leedahay ku camal falka qur'aanka iyo rumayntiisu si uu kuugu noqdo xujo, oo aanu kugu noqon xujo.
  5. Nafta haddaanad ku mashquulin daacada Ilaahay macsi ayey kugu mashquulin.
  6. Qof waliba waa hubaal inuu shaqeynaayo, qofku daacada Ilaahay ayuu naftiisa ku xorayn, ama macsi ayuu naftiisa ku halaagin.
  7. Sabirku wuxuu u baahan yahay adkaysin iyo ajar raadin wuxuuna leeyahay mashaqo.