Liiska Axaadiista

Salaadaha ugu culus munaafiqiinta waa labada salaadood ee Cishaha iyo Subaxa, hadayse ogaan lahaayeen waxa ku jira ee fadligooda ah waxay ku imaan lahaayeen gurguurasho
عربي الإنجليزية الأوردية
Salaadaha Shanta ah, iyo Jimce ilaa Jimcada kale, iyo Ramadaan ilaa Ramadaanka kale, waa lagu danbi dhaafaa inta u dhaxaysa hadii laga fogaado kabaa`irta
عربي الإنجليزية الأوردية
Qofka tukada Salaada Subaxa Ilaahay magantiisuu ku jiraa
عربي الإنجليزية الأوردية
iiga waran hadaan tukado Salaadaha waajibka ah, oo ramadaanka soomo, oo xalaashado xalaasha, oo xaaraanta iska xarimo
عربي الإنجليزية الأوردية
Daahirnimadu waa Iimaanka barki, Alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama Subxaana Allaah iyo Alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa Samooyinka iyo Dhulka
عربي الإنجليزية الأوردية
camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? wuxuu yiri: ''waa salaadoo waqtigeeda la tukado'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: '' labada waalid oo baari loo noqodo'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: ''jidka Ilaahay oo lagu jihaado''
عربي الإنجليزية الأوردية
Waxaan balan kula galay Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inaan qiro Ilaahay maahee inaan Ilaah kale uusan jirin, Maxamadna Rasuulka Ilaahay soodiray yahay, iyo salaada oo la oogo, sakada oo la bixiyo, iyo in la is maqalo oo la is adeeco iyo in muslim walba loo nasexeeyo
عربي الإنجليزية الأوردية
Ilaahay darti sujuuda u badi, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin dambina wuu kaaga dhaafin
عربي الإنجليزية الأوردية
Qofka tukada labada salaadood ee qabaw janaduu galayaaa
عربي الإنجليزية الأوردية
Ka warama haddii wabi marayo albaabka midkiin, oo ku qubaysanayo maalin walba shan jeer, uskag maku harayaa qofkaa?
عربي الإنجليزية الأوردية
Majiro qof muslim ah oo salaad faral ahi u soo gashay, oo wanaajiya waysadeeda, khushuuceeda, rukuuceeda, haduuse jiro waxaa loogu dhaafaa wixii dambi ahaa ee salaadaas ka horeeyey, hadaanu dambi wayn la imaan, arinkaasi waa sanadka oo dhan
عربي الإنجليزية الأوردية
Bilaalow, Salaada aqiim oo noogu raaxee
عربي الإنجليزية الأوردية