+ -

عن أَبِي مُوسَى الأَشْعَرِيِّ رضي الله عنه: أَنَّ رَسُولَ اللهِ صلى الله عليه وسلم قَالَ:
«مَنْ صَلَّى ‌الْبَرْدَيْنِ دَخَلَ الْجَنَّةَ»

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 574]
المزيــد ...

Abuu Muusa Alashcari-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Rasuulka ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- inuu yiri:
"Qofka tukada labada salaadood ee qabaw janaduu galayaaa."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 574]

Sharraxaad

Wuxuu Nabigu ku booriyey dadku inay ku dadaalaan salaada labada qabaw ee ah salaada fajarka iyo casarka, wuxuuna ugu bishaareeyey qofka labadaa salaadood xaqooda ula yimaada ee ilaaliya waqtigooda, jamaacana ku tukada, waxay sabab ugu noqdaan janada galideeda.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda dariya Luqadda roomaaniya Oromo
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku cad fadliga salaada fajarka iyo casarka, waayo fajarku waa waqtiga hurdadu ugu macaan tahay, casarkuna wuxuu ku beegan yahay waqti dadku ku mashquul yahay shaqadiisa, qofka labadaa salaadood ilaaliya waa hubaal inuu kuwa kalana ilaalinaayo.
  2. Salaada fajarka iyo casarka waxaa lagu magacaabay labada qabaw, waayo salaada subax waxaa jooga qabawga habeenka, salaada casarna waxaa jooga qabowga maalintii inkasta oo ay tahay waqti kulul waxayse ka qabowdahay waqtigii ka horeeyey ama waxaa loogu magacaabay in magacu qaalib ka noqday sida loo yiraahdo qoraxda iyo dayaxa: Alqamaraan.