+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«مَنْ يَقُمْ لَيْلَةَ الْقَدْرِ إِيمَانًا وَاحْتِسَابًا غُفِرَ لَهُ مَا تَقَدَّمَ مِنْ ذَنْبِهِ»

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri:
Qofkii habeenka laylatul qadarka salaatu layl u istaaga isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore.

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay fadliga habeenka laylatul qadrigu leeyahay, habeen kaasoo ku jira tobanka u dambeeya Ramadaanka, qofka habeenkaa ku dadaala salaadda, ducada, akhrinta Qur'aanka, xuska Ilaahay, isagoo rumeysan habeenkaa iyo fadligiisa, oo ka rajaynaya camalkiisaa in Ilaahay ajar ka siinaayo, ee aan ula jeedin is tustus iyo ha lugu maqlo, waxaa loo dhaafaa dambigiisii hore.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Habeenka laylatul qadriga fadligiisa, iyo dadka oo lagu dhiiri galiyo inay salaad u istaagaan.
  2. Camalka suuban lama aqbalo in niyo run ah la jirto maahee.
  3. Ilaahay fadligiisa iyo naxariistiisa qofka habeenka laylatul qadriga u istaaga salaad isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore.