عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«مَنْ يَقُمْ لَيْلَةَ الْقَدْرِ إِيمَانًا وَاحْتِسَابًا غُفِرَ لَهُ مَا تَقَدَّمَ مِنْ ذَنْبِهِ»

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 35]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
Qofkii habeenka Laylatul Qadarka Salaatu Layl u istaaga isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 35]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay fadliga Habeenka Laylatul Qadrigu leeyahay, Habeen kaasoo ku jira tobanka u dambeeya Ramadaanka, Qofka Habeenkaa ku dadaala Salaada, ducada, akhrinta Qur'aanka, xuska Ilaahay, isagoo rumaysan Habeenkaa iyo fadligiisa, oo ka rajaynaya camalkiisaa in Ilaahay ajar ka siinaayo, ee aan ula jeedin is tustus iyo ha lugu maqlo, waxaa loo dhaafaa dambigiisii hore.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku sugan Habeenka Laylatul Qadriga fadligiisa, iyo dadka oo lagu dhiiri galiyo inay Salaad u istaagaan.
  2. Camalka suuban lama aqbalo in Niyo run ah la jirto maahee.
  3. Ilaahay fadligiisa iyo naxariistiisa Qofka Habeenka Laylatul Qadriga u istaaga Salaad isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (67)