عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«مَنْ يُرِدِ اللهُ بِهِ خَيْرًا يُصِبْ مِنْهُ».

[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 5645]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Qofkii Ilaahay khayr la doono wuu asiibaa."

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 5645]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay haduu la doono khayr Qof Adoomadiisa Muuminiinta ah, wuxuu itaxaan kaga rido xaga Naftooda, Maalkooda, Ehelkooda, Muumniintu waxay ka helayaan arinkaa inay Ilaahay magan galaan oo baryaan iyo in loo danbi dhaafo darajadoodana kor loo qaado.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Qofka Muuminka ah waxaa lagu itaxaamaa balaayo kala duwan.
  2. itaxaanka Muuminku marayo wuxuu calaamad u noqon karaa in Ilaahay jecel yahay Adoonkiisa, oo darajadiisa kor u qaado, oo maqaamkiisa kor u qaado, dambigiisana dhaafo.
  3. Waxaa la isku boorinayaa marka masiibo dhacdo in la sabro oo aan la argagixin.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (67)