عَنْ طَاوُسٍ أَنَّهُ قَالَ: أَدْرَكْتُ نَاسًا مِنْ أَصْحَابِ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، يَقُولُونَ كُلُّ شَيْءٍ بِقَدَرٍ، قَالَ: وَسَمِعْتُ عَبْدَ اللهِ بْنَ عُمَرَ رضي الله عنهما يَقُولُ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«كُلُّ شَيْءٍ بِقَدَرٍ، حَتَّى الْعَجْزِ وَالْكَيْسِ، أَوِ الْكَيْسِ وَالْعَجْزِ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2655]
المزيــد ...
Daawuus waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan soo gaaray dad ka mida Asxaabtii Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, oo oranaya wax waliba waa qadar, wuxuu yiri: waxaan maqlay Cabdullaahi Binu Cumar oo oranaya: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Wax kasta qadar ayey ku dhacaan, xataa wahsiga iyo firfircoonida ama firfircoonida iyo wahsiga".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2655]
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey wax kastaa inay qadar ku dhacaan. xataa wahsiga: kaaso ah in qofku ka tago wixii waajibka ku ahaa inuu falo, ama uu ka caajiso, oo dib uga dhigo waqtiguu qaban lahaa waajibkaa ku saabsan arimaha aduunka ama aakhirada. Xataa firfricoonida oo ah inuu qofku fiiro gaara u leeyahay arimaha aduunka iyo aakhiro. Ilaahay casa wajala isagaa qadaray wahsiga iyo firfircoonida iyo wax walba, wax kasta oo dunida ka dhaca waa shay ilaahay horay u ogaa oo uu horay u doonay.