عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ:
قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لِعَمِّهِ: «قُلْ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، أَشْهَدُ لَكَ بِهَا يَوْمَ الْقِيَامَةِ»، قَالَ: لَوْلَا أَنْ تُعَيِّرَنِي قُرَيْشٌ، يَقُولُونَ: إِنَّمَا حَمَلَهُ عَلَى ذَلِكَ الْجَزَعُ لَأَقْرَرْتُ بِهَا عَيْنَكَ. فَأَنْزَلَ اللهُ: {إِنَّكَ لا تَهْدِي مَنْ أَحْبَبْتَ وَلَكِنَّ اللهَ يَهْدِي مَنْ يَشَاءُ } [القصص: 56].
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 25]
المزيــد ...
Abii Hurayra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri Adeerki: " dheh: laa Ilaaha Ilaa Allaah, aan kuu marag furo Maalinta Qiyaamee", wuxuu yir: Adeerki hadayna qurayshi igu ceebayn lahayn oo aysan oranayn: waxaa ka keenay cabsi waan oron laha oo kaaga farxin lahaa, Ilaahay ayaa soo dajiyey: {Adigu ma hanuunin kartid qofkaad jeceshahay, laakiin Ilaahay ayaa hanuuniya Qofkuu doono}: [Alqasas: 56].
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 25]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka codsaday adeerki Abii Daalib isagoo sakaraadkii geerida ku jira, inuu ku dhawaaqo shahaadada, si uu ugu shafeeco Maalinta Qiyaamaha, oo uga markhaati koco inuu Islaamay, wuu diiday inuu ku dhawaaqo Shahaadada, isago ka baqaya in Qurayshi ku caydo, oo ku tiraahdo wuxuu u Islaamay ka baqid dhimasho iyo taagdaro! wuxuu ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: hadayna taasi jirin qalbigaaga waa uga farxin lahaa Shahaadada, waxaanan ku tusi lahaa waxaad jeceshahay ilaa aad raali noqoto!, Ilaahaybaa soo dajiyey Aayada sheegaysa in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uusan lahayn hidaayada towfiiqda Islaamka, balse Ilaahay casa wajala kaligi ayaa waafajiya cidii uu doono. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Ummadda wuxuu ku hanuuniyaa hidaayada dalaalada, Cadynta, hanuuninta iyo inuu jidka toosan dadka ugu yeero.