+ -

عَنْ عَائِشَةَ رضي الله عنها قَالَتْ:
قُلْتُ: يَا رَسُولَ اللهِ، ابْنُ جُدْعَانَ كَانَ فِي الْجَاهِلِيَّةِ يَصِلُ الرَّحِمَ، وَيُطْعِمُ الْمِسْكِينَ، فَهَلْ ذَاكَ نَافِعُهُ؟ قَالَ: «لَا يَنْفَعُهُ، إِنَّهُ لَمْ يَقُلْ يَوْمًا: رَبِّ اغْفِرْ لِي خَطِيئَتِي يَوْمَ الدِّينِ».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Caa'isha raall Allaha ka noqdee waxaa laga wariyey inay tidhi:
Waxaan idhi: Rasuulkii Allow, Ibnu Judcaan waqtigii jaahiliga qaraabadiisa wuu xidhiidhin jiray, miskiinkana wuu quudin jiray, arrinkaasi ma anfacayaa? wuxuu yidhi: ma anfacayo, isagu maalina muu odhan: RabIyow iga dhaaf dambigayga maalinta qiyaame.

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaate wuxuu sheegay in Cabdillaahi bin Judcaan, oo ahaa islaamka ka hor madaxdii qurayshta Ficilladiisii wanaagsanaa waxaa ka mid ahaa: xidhiidhintii qaraabadiisa, quudinta masaakiinta iyo wax yaabo kale oo islaamku ku boorriyey dadka, wanaaggaa uu qaban jiray ninkaa aakhiradiisa waxba u tarimayso, sababtuna waa inuu Ilaahay ku kufriyey, oo uusan maalinna oran Rabiyow ii dhaaf gafkayga maalinta qiyaamaha.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa la caddeeyey fadliga iimaanku leeyahay, iyo inuu shardi u yahay aqbalida camalka.
  2. Waxaa la caddeyey xumaanta kufriga, iyo inuu ka mid yahay waxa camalka saalixa ah buriya.
  3. Gaalada ma anfacayo camalkooda wanaagsan ee adduunka ay geysanayaan kol haddey rumeynta Alle iyo maalinta aakhiro ka madhan yihiin.
  4. Camalka dadku sameeyo markay gaalada yihiin waa loo qoraa haduu islaamo waa laga abaal mariyaa.