+ -

عَنْ عَبْدِ اللهِ بنِ عُمَر رضي الله عنهما قال: قال رسولُ الله صلى الله عليه وسلم:
«بُنِيَ الْإِسْلَامُ عَلَى خَمْسٍ: شَهَادَةِ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ، وَإِقَامِ الصَّلَاةِ، وَإِيتَاءِ الزَّكَاةِ، وَحَجِّ الْبَيْتِ، وَصَوْمِ رَمَضَانَ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo abihiiye wuxuu yiri- wuxuu dhahay: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-:
"Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir: in la qiro Ilaahay maahee ilaah kaloo xaq lagu caabudo in uusan jirin, Maxamadna adoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa yahay, salaada oo la oogo, sakada oo la bixiyo, xajka oo la guto iyo bisha ramadaanka oo la soomo."

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku shabahay diinta islaamka dhismo aad loo adkeeyey, oo leh shan tiir oo dhismaha xambaarsan, qaybaha kale ee islaamkuna waa sida dhismaha dhamaystirkiisa oo kale. Tiirarkaana waxaa ugu horeeya: in la qiro Ilaahay mooyee uusan jirin ilaah kale oo xaq lagu caabudo, Maxamadna Rasuulka Ilaahay yahay, labadaasi waa hal tiir oo kaliya, oo aan kale harikarin, waa in adoonku labadaas ku dhawaaqayo isagoo aqoonsan in Ilaahay kaligi yahay, oo isagu keligii xaq u leeyahay cibaadada cid kalena aysan lahayn, oo ku camal falo waxa ay keenayso, isagoo rumaysan Risaaladii Nabi Maxamad scw una hogaansamo. Tiirka labaad: waa salaada oo la oogo, waana salaadaha shanta ah ee faralka ah maalinta iyo habeenka: waa fajarka, duhurka, casarka, maqribka iyo cishaha, iyadoo lala imaanayo shuruudeeda, arkaanteeda, iyo waajibaadkeeda. Tiirka sadexaad: waa bixinta sakada waajibka ah, waana cibaado maali ah, oo ku waajibtay maalkasta oo gaaray intii shareecadu xadaysay, iyadoo la siinayo dadka xaqa u leh. Tiirka Afraad: waa xajka, waana in la aado Makkah si loo guto howlaha xajjka, iyadoo Ilaahay loogu dhawaanayo. Tiirka shanaad: waa soonka Ramadaanka, waana in laga af xirnaado cuntada iyo cabitaanka iyo wixii soo raaca ee ka duwan oo soonka jabin kara, isagoo niyoonaya inuu Ilaahay ku cibaado, laga bilaabo waqtiga fajarka ilaa qorax dhaca.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Ruush Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Labada Ashahaado way isku xiran yihiin oo midkood ansixi mayso ilaa tankale lala yimaado, sidaasaa hal tiir looga dhigay.
  2. Labada Ashahaado waa aasaaska diinta, oo Ilaahay ma aqbalayo qawl iyo camal iyaga la`aantood.