عَنْ سُفْيان بنِ عَبْدِ اللهِ الثَّقَفِيّ رضي الله عنه قال:
قُلْتُ: يَا رَسُولَ اللهِ، قُلْ لِي فِي الْإِسْلَامِ قَوْلًا لَا أَسْأَلُ عَنْهُ أَحَدًا غَيْرَكَ، قَالَ: «قُلْ: آمَنْتُ بِاللهِ، ثُمَّ اسْتَقِمْ».
[صحيح] - [رواه مسلم وأحمد] - [مسند أحمد: 15416]
المزيــد ...
Sufyaan Binu Cabdullaahi Asaqafi -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri:
Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, iiga sheeg Diinta Islaamka hadal aana waydiin cid aan adiga ahayn, wuxuu yiri: "dheh: Ilaahay ayaan rumeeyey ka dibna toosnow."
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay Muslim iyo Axmed] - [Musnadka Axmed - 15416]
Saxaabigii Sufyaan Binu Cabdullaahi -Allaha ka raali ahaadee- ayaa waydiiyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu baro hadal soo koobaya macnaha Islaamka oo uu qabsado, cid kalana aanu waydiin? Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: wuxuu ku yiri: dheh: Ilaahay ayaa kaligi ah, waana rumeeyey inuu Rabigay yahay, Ilaahayna yahay oo isagu i abuuray, uuna yahay kan aan caabudo ee xaqa ah ee aan lahayn cid shirko la ah. ka dibna uu u hogaansamo adeecida Ilaahay isagoo gudanaaya wixii Ilaahay ku waajibiyey, kana tagaya wixii Ilaahay ka xarimay sidaasna joogteeya.