عَنْ سُفْيان بنِ عَبْدِ اللهِ الثَّقَفِيّ رضي الله عنه قال:
قُلْتُ: يَا رَسُولَ اللهِ، قُلْ لِي فِي الْإِسْلَامِ قَوْلًا لَا أَسْأَلُ عَنْهُ أَحَدًا غَيْرَكَ، قَالَ: «قُلْ: آمَنْتُ بِاللهِ، ثُمَّ اسْتَقِمْ».

[صحيح] - [رواه مسلم وأحمد] - [مسند أحمد: 15416]
المزيــد ...

Sufyaan Binu Cabdullaahi Asaqafi -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri:
Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, iiga sheeg Diinta Islaamka hadal aana waydiin cid aan adiga ahayn, wuxuu yiri: "dheh: Ilaahay ayaan rumeeyey ka dibna toosnow."

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay Muslim iyo Axmed] - [Musnadka Axmed - 15416]

Sharraxaad

Saxaabigii Sufyaan Binu Cabdullaahi -Allaha ka raali ahaadee- ayaa waydiiyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu baro hadal soo koobaya macnaha Islaamka oo uu qabsado, cid kalana aanu waydiin? Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: wuxuu ku yiri: dheh: Ilaahay ayaa kaligi ah, waana rumeeyey inuu Rabigay yahay, Ilaahayna yahay oo isagu i abuuray, uuna yahay kan aan caabudo ee xaqa ah ee aan lahayn cid shirko la ah. ka dibna uu u hogaansamo adeecida Ilaahay isagoo gudanaaya wixii Ilaahay ku waajibiyey, kana tagaya wixii Ilaahay ka xarimay sidaasna joogteeya.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Diinta asalkeedu waa in la rumeeyo Ilaahay Rabinimadiisa, Ilaahnimadiisa, Magacyadiisa iyo Sifooyinkiisa sare.
  2. Muhumad ayey leedahay toosnaantu Imaanka ka dib, iyadoo la joogtaynaayo in cibaadada lagu sugnaado.
  3. Iimaanku waa shardiga lagu aqblo Camalka.
  4. Rumaynta Ilaahay waxaa soo galaya wax kasta oo ay waajib tahay in la rumeeyo ee ay ka mid yihiin Caqiidada Imaanka iyo Usuushiisa, iyo wixii soo raaca ee ah camalka Qalbiga iyo hogaansanka iyo in Ilaahay la isu dhiibo Uurka iyo Oogadaba.
  5. Toosnaantu waa in lagu taagnaado dariiqa iyadoo lala imaanayo waajibaadkii lagana tegayo wixii la iska reebay.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (59)