عَنِ ابْنِ عُمَرَ رضي الله عنهما عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، قَالَ:
«مَثَلُ الْمُنَافِقِ، كَمَثَلِ الشَّاةِ الْعَائِرَةِ بَيْنَ الْغَنَمَيْنِ تَعِيرُ إِلَى هَذِهِ مَرَّةً وَإِلَى هَذِهِ مَرَّةً».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2784]
المزيــد ...
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isagiyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
Munaafaqu wuxuu la mid yahay ri' ku wareersan laba ari dhexdood oo kolba mid aadaysa.
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2784]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey munaafaqa xaalkiisa iyo inuu la mid yahay ri` ku dhex wareertay labo ari kii ay raaci lahayd. Ri`daas oo mar xayntaa arigaa u tagaysa marna xayntaa kale. Munaafaqiintu waxay ku dhex wareersan yihiin Iimaanka iyo kufriga, Muuminiinta u lama jiraan si muuqata iyo si qarsoon, gaaladana u lama jiraan si muuqata iyo si qarsoon, balse waxay ka ag muuqdaan Muuminiinta, waxaa uurkooda ku jira shaki iyo walaac, qalbigoodu mar wuxuu raacin kuwaa, marna kuwaa kale.