عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ رضي الله عنهما قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«إِنَّ الْإِيمَانَ لَيَخْلَقُ فِي جَوْفِ أَحَدِكُمْ كَمَا يَخْلَقُ الثَّوْبُ الْخَلِقُ، فَاسْأَلُوا اللَّهَ أَنْ يُجَدِّدَ الْإِيمَانَ فِي قُلُوبِكُمْ».

[صحيح] - [رواه الحاكم والطبراني] - [المستدرك على الصحيحين: 5]
المزيــد ...

Cabdullahi Binu Camar Binu Caas Allaha ka raali noqdo asaga iyo aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
Iimaanku wuu ku duugoobaa Uurkiina sida ay u duugowdo Marada cusubi, Ilaahay waydiista inuu Iimaanka ku cusboonaysiiyo Qalbigiina.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay Alxaakim iyo Ad-dabaraani] - [Almustadrak Cala As-saxiixayn - 5]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Iimaanku ku duugoobo Qalbiga Muslimka, wuxuu u duugoobaa sida Marada cusubi ugu duugawdo isticmaalka dheer. Taas waxaa u sababa cibaadada laga gaabiyo ama in macaasi lagu dhaco iyo Naftu waxay jeceshahay in la muquurto. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inaan Ilaahay ka barino inuu Iimaankeena inoo cusboonaysiiyo, inago gudanayna waajibaadka lana imaanayna dikri badan iyo istiqfaarta.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa la isku booriyey in Ilaahay la weydiisto sugnaanta iyo Iimaanka Qalbigana lagu cusboonaysiiyo.
  2. Iimaanku waa mid Carabka looga dhawaaqo, Xubnahana laga camal falo Qalbigana laga rumeeyo, wuxuu ku siyaadaa cibaadada wuxuuna ku nusqaamaa macsida.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (65)