+ -

عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ رضي الله عنهما قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ أَنْ تُؤْتَى رُخَصُهُ، كَمَا يُحِبُّ أَنْ تُؤْتَى عَزَائِمُهُ».

[صحيح] - [رواه ابن حبان] - [صحيح ابن حبان: 354]
المزيــد ...

Ibnu Cabbaas Allaha ka raali noqdo isagiyo Aabihise waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
Ilaahay wuxuu jecel yahay in lala yimaado ruqsooyinkiisa sida uu u jecel yahay in lala yimaado waajibaadkiisa.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay Ibnu Xibbaan] - [Saxiib Ibnu Xibbaan - 354]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay: in Ilaahay jecel yahay in la qaato ruqsooyinkiisa sharciga ah, sida khafiifinta axkaanta iyo cibaadada iyo in qofkii qaan gaar ah ee cudur daar leh loo sahlo cibaadada sida gaabinta Salaada iyo jamcinteeda Sida Ilaahay u jecel yahay in lala yimaado waajibaadka uu waajibiyey, waayo amarka Ilaahay ee ruqsada ah iyo waajibaadku waa hal mid.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Ilaahay wuu u naxariistay Adoomadiisa, wuxuuna jecel yahay in la qaato wixii ruqsooyin ah ee uu jideeyey.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan kaamilnimada Shareecadaan iyo in laga dulqaaday Muslimka wixii dhib ku ah.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda foolaaniga Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan اليونانية Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.