+ -

عَنْ عُبَادَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«مَنْ شَهِدَ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ، وَأَنَّ عِيسَى عَبْدُ اللهِ وَرَسُولُهُ وَكَلِمَتُهُ أَلْقَاهَا إِلَى مَرْيَمَ وَرُوحٌ مِنْهُ، وَالْجَنَّةُ حَقٌّ، وَالنَّارُ حَقٌّ، أَدْخَلَهُ اللهُ الْجَنَّةَ عَلَى مَا كَانَ مِنَ الْعَمَلِ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Cubaada -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri:
"Qofka qira insuun jirin Ilaah xaq lagu caabudo, oo aan Ilaahay ahayn oo kaligiis ah oo aan cidna shirko la ahayn iyo in Maxamad adoonkiisa iyo Rasuulkiisa yahay, Ciisana adoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa yahay iyo inuu yahay kalimada Ilaahay ee uu ku tuuray maryama, iyo Ruuxda xaga Ilaahay ka ahaatay, janada iyo naartuna xaq yihiin, Ilaahay ayaa janada gelinaaya camalkuu doono hawatee".

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay qofka ku dhawaaqa kalimada towxiidka isagoo macnaheeda garanaaya kuna camal falayaa waxay keenayso. Ee qira adoonimada Maxamad iyo risaaladiisaba-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, iyo adoonimada Ciise iyo risaaladiisaba. Ee qira inuu Ilaahay ku abuuray Nabi Ciise hadalkiisa ah " kun " uuna sidaa ku ahaaday, uuna yahay ruux ka mid ah arwaaxda Ilaahay abuuray. Ee ka bari yeela Nabi Ciise hooyadi wixii ay yuhuudu ku sheegtay. Ee rumeeya in janadu xaq tahay, naartuna xaq tahay, oo aamina in labaduba jiraan, oo ay yihiin nicmada Ilaahay iyo cadaabta Ilaahay Ee sidaana ku dhinta, kaasi wuxuu ku dambaynayaa janada camalkiisuba ha yaraado dambiyana ha lahaadee.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Ilaahay koreeyee, wuxuu Ciise Ibinu marayam ku abuuray kalimadiisa uu yiri: (kun) ahow, aabo la'aan.
  2. Hadii la isu geeyo nabi Ciise iyo nabi Maxamad-naxariis iyo nabadi korkooda ha ahaatee- inay yihiin laba adoon oo Ilaahay iyo laba Rasuul oo Ilaahay, markaas labadooduba waa labo Rasuul oo aan been sheegayn iyo laba adoon oo aan la caabudayn.
  3. Fadliga uu leeyahay tawxiidku iyo inuu Ilaahay dambiyada ku dhaafo, qofka muwaxidka ah wuxuu ku danbaynayaa janada hadii xataa ay ka dhacaan dunuubta qaarkeed.