+ -

عَنْ ‌قَتَادَةَ رحمه الله قال:
حَدَّثَنَا ‌أَنَسُ بْنُ مَالِكٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنَّ رَجُلًا قَالَ: يَا نَبِيَّ اللهِ كَيْفَ يُحْشَرُ الْكَافِرُ عَلَى وَجْهِهِ؟ قَالَ: «أَلَيْسَ الَّذِي أَمْشَاهُ عَلَى الرِّجْلَيْنِ فِي الدُّنْيَا قَادِرًا عَلَى أَنْ يُمْشِيَهُ عَلَى وَجْهِهِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ؟» قَالَ قَتَادَةُ: بَلَى وَعِزَّةِ رَبِّنَا.

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Qataada Allaha u naxariiste waxaa laga wariyey inuu yiri:
Anas Binu Maalik Allaha ka raalli ahaade wuxuu noosheegay in Nin yiri: Nabiga Alloow, sidee Gaalka loo keenin Maxsharka isagoo wajigiisa ku socda? wuxu yiri: ( miyaanu ahayn Ilaahii ku socodsiiyey lugaha aduunyada mid awooda inuu ku socodsiiyo wajigiisa maalinta qiyaame?) Qataada wuxuu yiri: haa, Cisada Rabigay ayaan ku dhaartaye.

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabiga scw waxaa la waydiiyey: sida Gaalka loo keenin maxsharka maalinta qiyaamaha isagoo wejiga ku socda?! wuxuu yiri Nabigu scw miyaanu ahayn Ilaahii ku socodsiiyey labo lugood adduunka mid awooda inuu ku socodsiiyo wajigiisa maalinta qiyaamaha?! Ilaahay wax walba waa awoodaa.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda hawsaha Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Gaalku waa dulaysan yahay maalinta qiyaamaha wuxuuna ku soconayaa wajigiisa.