+ -

‌عن عَلِيٍّ قَالَ: إِنِّي كُنْتُ رَجُلًا إِذَا سَمِعْتُ مِنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ حَدِيثًا نَفَعَنِي اللهُ مِنْهُ بِمَا شَاءَ أَنْ يَنْفَعَنِي بِهِ، وَإِذَا حَدَّثَنِي رَجُلٌ مِنْ أَصْحَابِهِ اسْتَحْلَفْتُهُ، فَإِذَا حَلَفَ لِي صَدَّقْتُهُ، وَإِنَّهُ حَدَّثَنِي ‌أَبُو بَكْرٍ، وَصَدَقَ أَبُو بَكْرٍ، قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ:
«مَا مِنْ رَجُلٍ يُذْنِبُ ذَنْبًا، ثُمَّ يَقُومُ فَيَتَطَهَّرُ، ثُمَّ يُصَلِّي، ثُمَّ يَسْتَغْفِرُ اللهَ، إِلَّا غَفَرَ اللهُ لَهُ»، ثُمَّ قَرَأَ هَذِهِ الْآيَةَ: {وَالَّذِينَ إِذَا فَعَلُوا فَاحِشَةً أَوْ ظَلَمُوا أَنْفُسَهُمْ ذَكَرُوا اللهَ فَاسْتَغْفَرُوا لِذُنُوبِهِمْ} [آل عمران: 135].

[صحيح] - [رواه أبو داود والترمذي والنسائي في الكبرى وابن ماجه وأحمد]
المزيــد ...

Cali Bi nu Abii Daalib-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: waxaan ahaa nin haduu Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-xadiis ka maqlo Ilaahay ku anfici jiray intuu doono, haduu nin asaxaabta Rasuulka ahi ii sheegana waan dhaarin jiray, markuu iidhaarto ayaan rumaysan jiray, Abuubakar baa iisheegay, Abuubakarna waa run sheege, wuxuu yiri: waxaan Rasuulka Ilaahay ka maqlay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- isagoo dhahaya:
"Majiro qof dambaabaya dambi, oo intuu kaco dahaara qaadanaya salaadna tukanaaya, ka dibna istiqfaarsanaya, haduu jirose Ilaahay wuu u dambi dhaafayaa isaga", intaa ka dib aayaddanuu akhriyey: "kuwa marka ay dambi xun sameeyaan ama naftooda dulmiyaan Ilaahay xusaya ee dambi dhaaf way diisanaya" [Aala cimraan:135].

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Abuu Daa'uud.

Sharaxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in uusan jiro adoon inta uu dambaabo dambi, sifiican u wayso qaata, oo labo rakcadood oo tawbo keen ah tukada, intaa ka dibna Ilaahay waydiista dambi dhaaf, Ilaahay uu u dambi dhaafaya. Intaa ka dib wuxuu akhriyey Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate, Aayadaan qur'aanka ah: {kuwa marka ay xumaan sameeyaan ama naftooda dulmiyaan Ilaahay xusaya, ee dambiyadooda Ilaahay inuu u dhaafo waydiisanaya, Ilaahay mooyee ma cid kalaa dhaafta dambiyada, kuwaasoo aan ku adkaysan dambiyada ay sameeyeen} [Aala cimraan:135].

Tarjamada: Ingriisi Urduu Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda turkiga. Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda hawsaha Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. waxaa lagu boorinayaa dadka salaada ka dibna istiqfaar marka dadka dambi ka dhoco.
  2. Waa dambi dhaafka Ilaahay waasac nimadiisa iyo in Ilaahay aqbalaayo towbada iyo istiqfaarta.