عَنْ ‌عَدِيِّ بْنِ حَاتِمٍ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«الْيَهُودُ مَغْضُوبٌ عَلَيْهِمْ، وَالنَّصَارَى ضُلَّالٌ».

[صحيح] - [رواه الترمذي] - [سنن الترمذي: 2954]
المزيــد ...

Cadiyi Binu Xaatim -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu yiri:
"Yuhuuda waa loo carooday, Nasaaraduna waa baadiyoobeen ."

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay At-tirmidi] - [Sunan At-tirmidi - 2954]

Sharraxaad

Nabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay in Yuhuudu yihiin duul Ilaahay u carooday, waayo intay xaqa garteen ayey ku camal fali waayeen. Kiristaankuna waa duul baadiyoobay, waayo waxay ku camal faleen aqoon la`aan.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Cilmiga iyo camalka oo la isku geeyo ayaa lagaga bad-baadayaa wadada ay mareen kuwa loo carooday iyo kuwa baadiyoobay.
  2. Waxaa laga digayaa wadada Yuhuuda iyo Kirishtaanku mareen, waxaana la ina farayaa inaan ku ekaano jidka toosan ee Islaamka.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (55)