عَنْ عَائِشَةَ رضي الله عنها:
أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ إِذَا أَوَى إِلَى فِرَاشِهِ كُلَّ لَيْلَةٍ جَمَعَ كَفَّيْهِ، ثُمَّ نَفَثَ فِيهِمَا فَقَرَأَ فِيهِمَا: {قُلْ هُوَ اللهُ أَحَدٌ}، وَ{قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ}، وَ{قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ}، ثُمَّ يَمْسَحُ بِهِمَا مَا اسْتَطَاعَ مِنْ جَسَدِهِ، يَبْدَأُ بِهِمَا عَلَى رَأْسِهِ وَوَجْهِهِ وَمَا أَقْبَلَ مِنْ جَسَدِهِ، يَفْعَلُ ذَلِكَ ثَلَاثَ مَرَّاتٍ.
[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 5017]
المزيــد ...
Caa'isha Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey:
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu tago Gogoshiisa Habeen walba wuu isku qaban jirey labadiisa Sacab, wuxuu ku akhrin jiray kuna tufi jiray: { قل هو الله أحد}, iyo {قل أعوذ بربّ الفلق}, iyo { قل أعوذ بربّ النّاس}, ka dibna ku masixi jiray inta uu ka gaaro Jirkiisa, isagoo ka bilaabaya Madaxa iyo Wajigiisa iyo inta soo qaabisha Jirkiisa, seddex jeer buu samayn jiray.
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 5017]
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee dhaqankiisa waxaa ka mid ahaa markuu tago Gogoshiisa si uu u seexdo wuxuu isku qaban jiray labadiisa Sacab isago kor u qaadaya sida Qofka ducaysanaya si khafiifa ayuu ugu tufi jiray Afkiisa Candhuufo yar, wuxuuna ku akhriyi jiray seddexda suuradood ee:{ قل هو الله أحد } iyo { قل أعوذ بربّ الفلق } iyo قل أعوذ برب النّاس }, ka dibna wuxuu ku masixi jiray labadiisa Sacab inta uu gaaro ee Jirkiisa ah, isagoo ku bilaabaya Madaxa iyo Wajigiisa iyo soo jeedkiisa, wuuna ku celcelin jiray ficilkaa seddex jeer.