Liiska Axaaddiista

(Joogteeya akhrinta Qur'aanka, Allaha nafta Maxammad gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee wuxuu ka siibasho badan yahay Qur'aanku geela dabaran,)
عربي Ingriisi Urduu
(Waxaa idiinku khayr badan kan Qur'aanka bartay ee bara quraanka)
عربي Ingriisi Urduu
(Ha ka dhigina guryihiina qabuur oo kale, shaydaanku wuu ka cararaa guriga suuratul-baqara lagu akhriyee)
عربي Ingriisi Urduu
(Qofka akhriya labada aayadood ee suuradda Al-baqara u dambeeya habeenka way ku filan yihiin)
عربي Ingriisi Urduu
(Qofka akhriya xaraf ka mid ah kitaabka Ilaahay wuxuu ka halayaa hal xasano, halka xasano waxay u dhigantaa toban laabkeed
عربي Ingriisi Urduu
Ilaahay sareeye wuxuu yiri: salaada waxaan u kala qaybiyey aniga iyo adoonkayga laba nus, adoonkayguna wuxuu i waydiistuu
عربي Ingriisi Urduu
Mu'uminka Qur'aanka akhriya wuxuu la mid yahay miraha ''Utrujada'', carafteedu waa udgoon dhadhankeeduna waa fiican yahay, Mu'uminka aan Qur'aanka akhriyeyna wuxuu la mid yahay timirta, caraf malaha dhadhankeeduna waa macaan
عربي Ingriisi Urduu
(Qofka Ahlu Qur'aanka ah waxaa lagu oran: akhri oo kor u soco, oo ku luuqee sidaad ugu luuqayn jirtay aduunka, gurigaagu waa halka aayada ugu dambaysa aad ku akhrido))
عربي Ingriisi Urduu
Abaa Mundiroow, ma og tahay aayada ugu wayn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri:{ الله لاإله إلا هو الحيّ القيّوم} [البقرة:255]. wuxuu yiri: laabtuu igu dhuftay, wuxuuna yiri: Abaa mundirow Ilaahay cilmi ayuu kuu hibeeyey))
عربي Ingriisi Urduu
Nabigu scw markuu tago gogoshiisa habeen walba wuu isku qabtan jirey labadiisa sacabood, wuxuu ku akhrin jirey kuna tufi jirey: { قل هو الله أحد}, iyo {قل أعوذ بربّ الفلق}, iyo { قل أعوذ بربّ النّاس}
عربي Ingriisi Urduu